top of page

Weligaa ha quursan “Barasho”

Majiraan kuwo ka mid ah hawlaha aad qabatid oodan dareemin in waqti kaa galay qabashadooda? Haday jiraan se waa kuwee? Hawlaha aan qabano ayaa u qaybsama labo, kuwo qabashadoodu qasab inagu tahay hadii kale aan cawaaqib la kulmayno iyo kuwo hadaan doono uun aan samaynayno. Hawlaha qasabka inagu ah waxay la xiriiri karaan tusaale ahaan wax barashada. Sida markuu qofku iskool (School) dhigto waxaa u yaala hawl qabashadeedu waajib tahay sida layliga, haduusan qabana dhib badan oo ay ka mid tahay shahaado la’aan uu la kulmayo. Dhanka kale hawlaha qofku jeclaysan karo in uu qabto balse aan qasabka ku ahayn waxaa ka mid ah tusaale ahaan in qofku barto ama hormariyo luuqad dheeraad ah oon aan laga rabin.



Waxaan hore wax uga qoray in aan fasaxaygii xagaga ku hawlanaa kor u qaadida awoodayda ku hadalka luuqada ingriiska. Taas oo ahayd hawl aan qasab igu ahayn oo ay naftayda uun iska jeclaysatay. Qabashada hawshaan waxay hawlahayga kale kaga duwaneed in aanan sinaba ku dareemin qabashadeeda. Iska daa in ay i culaysi see waan u sii bogayay aqrinta iyo kuhadalka luuqada. Kaliya halka culays een dareemayay ayaa ahaay shaki keenay is waydiin aan is waydiinayay aniggu oon is lahaa “Toloow waqtigaan amay ahayd inaan geliso wax kale oo ku anfici doona waqti dhaw” sida inaan sii aqriyo buuggag ka mid ah kuwa jaamacada aan ku qaadan doono, balse si kastay ahaataba waan ku dhaga adaygay oon sii watay. Sheekada qaybteeda xiisa leh way soo socotaaye ila soco.


Dhamaadkii bisha agoosto (August) ee sannadkan ayaan dib u bilaabay jaamacada, anigoo hadana niyada iska leh “Waa adigii ingriisk ku hawlaneedee bal hada iska dhici buugta culus ee swedish ka ah” Balse nasiib wanaag waxaa dhacday in mid ka mid ah labada maado een kuqaadanayno jaamacada muddada ka dhiman sannadka dhamaadkiisa ay ingriisk ku baxayso. Intaa waxaa usii dheeraa in maadada ku baxaysa swedisha xitaa ay ku jiraan 10 maqaallo ( qoraallo dheer) oo ingriisk ku qoran weliba midka ugu yar uu ku dhawaad gaarayo labaatan bog. Kuwaas oon aqriskooda bilaabaay isbuucyadii tegay kan hada soo codaba aan ku hawlanaaan doono weli Insha Allah. Marka waxaan oran karaa waan ku faaiday hada aqriskii ingriiska ee fasaxa xagaaga waloow aan markii hore ka shaki sanaa waqtigii aan galiyay anigoo ka cabsi qabay in uusan waayahaan i anfici doonin maadma aan ku noolahay wadan luuqadiisa koowaad aysan ahayn Ingriis.


Labo cashir aan ka qaatay ku adkaysiga barashada wax aanan ogayn goortay i anfici doonan


1) In waxa aad jeceshay aad ku ogaan karto in aysan culays kugu hayn markaad samaynayo iyo in aadan sugi karin xiligaad samayn lahayd oodba dhararaysid ayadoon la gaarin. Shaqsiyan labo mid ba waan dharari jiray waqtigaan tababarka hayay, tan koowaad in aan is duubo anigoo adeegsanaya su’aalo kala nuuc ah oon Google ka keenay. Sababta aan u dharari jiray ma’ahayn kaliya in aan doonayay inaan dib u dhagaysto xirfadayda iyo heer kayga hadalka ingriiska ee waxay ahayd in aan ogaado fikirka aan ka qabo su’aal kasta oon ka jawaabay. Mida labaad een dharari jirayna waxay ahayd in aan ka helo fursad aan ku hadlo qolalka Clubhouse een u tagi jiray tababarka maadaama safafku aad u dheeraan jireen. Fursadaas hadal ayaa ii sahlaysay inaan la munaaqashooda qof ku hadla luuqada ingriiska haystana dhaqan iyo luuqad iga duwan, taas oon erayo iyo aragtiyo badan oo igu cusub ka bartay.


2) In barashada wax kasta ood wanaag iyo cilmi aad u aragto aadan waligaa ku qasaarayn Alle idamkii. Sidii aan horay u xusayba in kastoon ku faraxsanaa waqtigayga fasaxa halkaan galiyay hadana waan shakisanaa oon is lahaa “Maxay taraysaaa xoog saarida ku hadlka ingriiska kaliya sadex bilood, ileen hadaad iloobi doontaa madama aadan luuqada joogto ugu hadi doonin”. Nasiib wanaag taas bil cagsigeeda ayaa dhacday maadama aan xaalado kala duwan u adeegsado ku hadalka luuqada hada. Marka waligaa ha quursan cilmi aad baratay intuu rabo hala ekaadee.

Ugu danbayntii waxaan ku dhamaynayaa qoraalkayga, baro cilmi kasta oo aad u aragto inuu kaa saro marinayo heerka aad taagan tahay maanta. Sidoo kalena marnaba ha dhagaysan buuqa iyo shakiga naftaada iyo naf kale ba, waayo hadaad dhagaysato shakiga ku aadan in waxa aad baranayso aysan ku anfici doonin waxaad rabtay inaad barato, ma baranaysid wax aysan naftu jeclayna, baran mayso. Taaas oo micnaheedu tahay in aadan “waxba ku kordhinayn naftaada”. Marka iska jir inaad adigu is cuuryaamido adigoo is leh wax walba ima anfici doonaan.

bottom of page