top of page
IMG-3754.JPG

Soo dhawaaw, waan ku faraxsanahay inaad halkaan so booqatay. 

 Magacaygu waa Hodan, ku nool dalka Sweden. Waxaan ahay ardayad  ku hawlan diyaarinta cilmiga dhaqaalaha heerkiisa jaamacadeed.  

 

Yaraantaydii waxaan aad u jeclaa inaan dhagayso sheekooyinka kala duwan ee soomalidu iskugu gudbido "Af to Af" kuwaas oon wax badan ka bartay. Kaliya dhagaysiga sheekooyinka soomaaliyeed ma'anan jeclayn ee waxaan sidoo kale jeclaa inaan aniguna ka sheekeeyo sheekooyinka aan maqlay iyo kuwo alifaad ah ba. Sidaa darteed qoraal iyo waxa la xariira yaraantaydii aad iima soo marin. Balse markaan soo waynaaday waxaan dareemay in qoraalku yahay "Raasumaal dhigma. Garwaaqsigaa dartii ayaan bilaabay qorida buugga loo yaqaan "Diary" ama xauus qor, buugaas oon hada muddo ka badan shan sanno aan qorayo. Hadana saas ay tahay waxaan arkay in aanan hormar sidaa u dheer aanan ka gaarin hormarinta qorida af-soomaaliga. Maxaa sababay in aadan hormar ka gaarin? Jawaabtu waa in uu xasuus qorku aniga gaar ii yahay oon ogahay in cidna ila eegayn waxa aan qoray iyo sida aan u qoray. Marka waxaan go'aansaday in aan bilaabo blogg si aan isaga hormariyo qorida af-soomaaliga iyo weliba in aan shucuurtayda iyo dareenkayga aan qoraal ku cabbiri karo. Waana sababta halkaan i keentay. 

bottom of page