top of page

Waa maxay xiriirka ka dhexeeya isbeddelka iyo aragtida?

  • Hodan Hilmi
  • 24 hours ago
  • 2 min read
ree

Isbeddel kasta marka uu billowdo, naxdin ayuu wataa. Laakiin runta marka la eego, haddii aad u sii dhabo gasho, sida aan moodayno uma xuma.

Dhawr isbuuc ka hor, saacadda halkan aan ku noolahay waa la bedelay. Haddii awal lagu socday saacadda Summer-ka, hadda waxaa loo guuray saacaddii barafka. In kasta oo sanad walba ay sidaan tahay, haddana isbedelkan wuxuu la yimaadaa naxdintiisa maalmaha ugu horreeya.


Maalintii Ugu Hor­rey­say

Anigoo socodkii Axadda u labisanaya ayaa la igu yiri: “Heedhe, salaaddii maqrib dhowr daqiiqo ayaa ka harsan; tobankii saac (afarta galabnimo) kahor ayey soo galaysaa.”

Waxaan fiiriyey banaanka, qorraxdii weli way ifaysay, markaas ayaan iri “Ok,” waxaanan sugay nus-saac uun.

Maqribkii markaan tukaday oo dibedda u baxay, dhulku waa qam! Gabalkii dhac. Bismillaah! Ma laabataa xitaa waan is iri, balse socodkii baan sii galay.

Galabtaa oo dhan, iyadoo aan weli la gaarin shantii galabnimo, ayaan socodka ku dhamaystay anigoo gadaal mar kasta eegaya(Cabsi). Culays badanaa mugdigu ayaan galabtaa socodkii ku dhamaystay.


La Qabsiga Kadib

Hadda, dhowr isbuuc kadib, wax culays ah iguma hayo. Waxaan bilaabay inaan la qabsado. Waxaan ogahay in ka dib afarta galabnimo ay dunidu mugdi noqonayso, sidaas darteed waxaan baxaa 3:00 galabnimo.

Galabtadaan intaan socodka ku jiray ayaan is idhi: “Isbedelku sow shay cajiib ah ma aha? Waxa uu kugu qasbaa wax aadan horay u samayn jirin.”

Markaygii hore, lixda ilaa toddobada ayaan bixi jiray iftiinka dartiis. Markaan soo noqdo waa iftiin, balse maalintii waa dhammaatay.

Hadda mugdigu wuxuu igu qasbay inaan goor hore baxo — laakiin taa beddelkeeda faa’iido cusub ayaa soo baxday. Markaan 4:00 galabnimo guriga ku soo laabto, maalinta weli saacado ayaa ka haray. Waxaa iiisoo baxay:

  • Waqti aan ku casiriyeeyo

  • Podcasts aan ku dhageysto

  • Wax aan rabo aan daawado

  • Qorshaha usbuuca oo aan si deggan u qorto

  • Iyo inaan Blogg aan wakhti u waayay (Marmarsiyo uun show) aan wakhti u helay.

Taa waxay i bartay:


Isbeddelka iyo Aragtida xariirka ka dhexeeya

Isbeddel kastaa wax buu nagu qasbaa, balse mid kasta faa’iidadiisa ayuu wataa. Annagaa kaliya ayaa naga la rabaa inaan aragno faa’iidadaas.

Waxaanse ku arki karnaa uun markaan aqbalno xariirkaas oo ku xusan oraahdan :

“Helitaanka ugu weyn ee jiil kasta waa in uu fahmo in uu noloshiisa beddeli karo haddii uu beddelo dabeecaddiisa iyo sida uu wax u arko.”

Marka isbeddel kasta wuxuu ahaanayaa mid xun ilaa aan aragtideena beddelno. Markaas uun ayaa jaanta la qaadi karnaa.


Haddaba adiga…

Isbeddelkee ayaa hadda ku hareer-soconaya? Muxuu se kugu qasbayaa?

Waxaa laga yaabaa inaad dhibsanayso balse kaliya waxaad faa’iidadiisa arki kartaa haddii aad indho kale ku eegto.


PS:

Blogg-qorista aad ayaan uga caajisay waayahan oo dhan, balse qoraal-la’aan maan ahayn ee Podcast-samaynta ayaan u guuray. Haddii aadan arag, waa kan "Hab Fikirka Tarmuuska" halkaan ka dhageystan. https://podcasts.apple.com/se/podcast/hab-fikirka-tarmuuska/id1770260769






 
 
 

Comments


Halkaan iigu reeb qoraal, aad igu lawadaagayso aragtidaada. 

Thanks for submitting!

© 2023 by Train of Thoughts. Proudly created with Wix.com

bottom of page