top of page

muhiimad intee le'eg ayay kuu leedahay joornaal samayntu?

Salaan sare Akhriste,

Qorida joornalka (journaling) ayaa laba qaybood loo dhigaa, mida koowaad traditional journaling ama diary, taa oo la' isticmaalayo buugg iyo qalin. Qaabkaan waa mid soo jireen ahaay welina jira. Journaling-ka anigu qaabkanan ayaan ku bilaabay, waayo wuxuu ahaa midka kaliya een heli karay waqtigaas.


Markii iigu horaysay aan barto waxa la yiraahdo "Xasuus qor" (Diary) waxaan filaya inan ku arkay aflaanta Hindiga. Halkaas oo atariishada filamka ay buugas xasuus qorka u isticmaasho labo nuuc uun mid. Mida koowaad , waxay atariishadu kala soo boodaa buugaas koobadiinka sariirta, kadibna kula dul dhacdaa sariir aad u balaadhan. Waxay badanaa ku xaradhaa fikiro iyo dareemo ku aadan wiil qurxan ay jidka ama skoolka maalintaa ku soo aragtay. Qaabka labaad een ku bartay diary-ga waa in lagu qoro arin saamayn wayn qofka ku leh sida in uu isbadal farxadeed ku soo kordho ama isbadal dhibaateed.


Hadaba, labada aragtiyood ayaa qaabeeyay sannadadii ugu horeeyay een bilaabay qorida diary-ga. Buuggagaygii hore waxaa dabacan aad uga buuxa wiilal shidan warkooda iyo qisooyin saamayn wayn igu reebay. Sida markii aan Aabahay macaane dib ula kulmay muddo dheer kadib. Hadaba maxaa is bedelay?


Labo ayaa keenatay in ay ila cusleeyay qorida diary.ga:

  1. Aalada casriga ah markay timid waxaan arkay ina aan buuggii iyo qalinkii kasii durgayo, waayo waxaan u baahanay markasta inaan u dhaqaaqo dhankii ay yaaleen, soo qaado, fariisto, kadibna qoro. Intaa waxay u baahatay is taxlujin u gaara, taa oo sabatay in aan ka caajiso.

  2. Waxaan maqli jiray "Gu´gaaga oo kordha waa in uu garaad kuu kordhiyaa" (Maahmahda sidaan raban u qaloocsanayaa :) Dhibka labaad wuxuu noqday in da' kastoo ee ii koradha aan fikradihii iyo dareemadii aan qori jiray ay bateen, taas oo keentay in gacantu igu xanuunto markaan damco in aan macwduuc aan fikirkayga ka qoro. Marka badalkii labadii eray oo ku saabsanaa wiilashii shidanaa waxaa badalay fikrado ku aadan nolosha shidan (Caqabado badan). inkastoon hada aan buugg iyo qalink wax ku qoro markii tuko cad la arko.


Qaabka labaad ee journaling-ka waa midka casriga ah ee digitaaka lagu qoro. Qaabkan waa mid uu qofku ku qoro qoraaladiisa meel kasta oo ka mid ah alaada casriga ah. Ha'noqdo mid ka mid ah aababka teleefanka ama laptopyada. Intaan ka ogahay qaabkan waa mid caan ku aha dadka aalada aad u isticmaala. Anigu waxaan bilaabay dhawr sanno ka hor, waxaana jeclahay ina aan ka arkay youtubke-ka.


Labo ayaan uga raystay qaabkii buugga iyo qalinka:

  1. Sahlanaashada helida: Markasta maadama aan ka ag dhawahay telefoonka ama laptopka ayaa aad iigu sahlay in aan dhankaas u bato oo in badan wax qoro ayadoo loo eegayn halka aan ku suganahay. Waxay noqon kartaa, tareen dushiisa ama goobaha kaffega. Xitaa hadii aan is iraahdo ku marmarsiyoo hurdo, waxa i fashilaya taleefanka oo inta badan ah waxa ugu danbeeya ee gacntayda ku hayno inta aanan seexan.

  2. Xadid la'aanta: In qoraalka aan intaan doono ku qori karo, oo aanan u baahnayn in aan ku fakaro soo gaabi si bogagu kuu deeqaan, gacantuna kuu xanuunin. Waxaa qaab aad u sahlan, weliba kuu sahlaya inaad ciwaano iyo xardhid kale u samayso. Waxaan kaaga tagayaa,

Qorida joornaalka waxa noloshaada ka socda/dhacaya waa hab wanaagsan oo kaa caawin doona inaad kala saarto waxa muhiimka ah iyo waxa aan ahayn." - Martina Navratilova

bottom of page