top of page

Waa maxay xadka ilaaliya cidda dhabta ah ee aad tahay?

  • Hodan Hilmi
  • Nov 23
  • 2 min read
ree

Isbuucan, intii aan ku jiray doodaha miiska (table topics), waxaa la i waydiiyay su’aal aan hore weligay la ii waydiin oo ahayd ‘Waa maxay xadka ilaaliya cidda dhabta ah ee aad tahay?" Jawaabtaydu waxay ahayd “Challenge is a boundary that honors my true self

Sababta aan challeng-ga u doortay ayaa ah in aan mawduuca “isbedelka”aan aad u daneeyo. Hadana waxa aan is waydiiyaa: Taloow, isbedel ma sameynayaa?

Markasta oo aan su’aashaa dib isku waydiiyo, waxaan eegaa in aan ku dhaco (to dare) bilaabidda, ka shaqaynta, iyo ka miradhalinta wax kasta oo aan rabo inaan “isbedel” ka arko.


Waayo?

Waxaan aaminsanahay in challenge-ku yahay halka tab oo keliya ee aan isbedel dhab ah ku samayn karno. Waxaan arkay in inta badan dhammaanteen aan jecelnahay “isbedelka” hadana aragtideenu aysan ahayn mid saxsan. Waayo wax kasta oo aynu bilawno waxaan rabnaa in aan isbedel degdeg ah ka aragno ama ka dareemno.

Tusaale: Haddii maanta aad bilowdo tababar guriga ah ama gym-ka, waxaad rabtaa inaad si dhaqso ah isbedel jidhka ka aragto. Laakiin xaqiiqadu sidaas ma aha.

Marka aan casharkeena baranno oo aan ogaano in isbedel degdeg uusan sahalkaas ku imaanayn, waxaan go’aansannaa in aan tababarka aan sii wadno Balse challenge-ka ugu weyn aya hadana noqonayo joogtaynta.


Dhanka kale, bulsho yar oo ducaysan ayaa meel kasta kaaga soo dhagaysa, iyagoo ku leh:“waa maxay gym kaan aad usii socoto maalin kasta, hadana aan wax isbedel ah uu san kaa muuqan?” Su’aashan kaliya gym kuma saabsana, wax kasta oo kale oo aad ku dadaalayso ayaa laga waydiin karaa.

Sababta ay bulshada sida u leedahay waa in haddii aysan arag “isbedel” muuqda oo indhahooda soo jiita, waxay u qaataan in qofku uusan horumar samayn. Ma runbaa, Mise?

Aan marka hore fiirino farqiga u dhexeeya labadan “isbedel”.


  1. Isbedelka Dibadda

Qofku haddii uusan Dhiirranan la imaan, waxa uu sameyn doonaa isbedel dibadda ah oo ku salaysan:

  • Cabsi

  • Meel-dhaw gaarid oo uusan kartidiisa oo dhan isticmaalin

  • Iyo tan ugu daran, mid ku dhisan aragtida dadka kale

Isbedelkan anigu uguma yeero mid horumar ah, waayo horumarka dhabta ahi qofka gudihiisa ayuu ka bilaabmaa.


  1. Isbedelka Gudaha

Waxa uu ku salaysan yahay:

  • In qofku ku dhaco (to dare)

  • Inuu mar kasta raadsado wax challenge gareeya maankiisa iyo maskaxdiisa

  • Iyo tan ugu muhiimsan: joogtayn

Marka intaas uu qofku la yimaado, waxaan aaminsanahay inuu helay:“A boundary that honours one’s true self” Taana waxaa lagu gaaraa “isbedelka” dhabta ah ee qofka isaga u gaarka ah.

Anigu mar walba kan labaad ayaan dooranayaa, waayo isaga ayaa i gaarsiinaya “isbedelka” dhabta ah ee aniga ii khaaska ah, Allena uu awoodiisa i siiyay.


Adiguna…

Isbedelkee ayaad hadda ku hawlan tahay? Mise isbedelkaa yahay mid ‘honour’ gareynaya cidda dhabta ah ee aad tahay?




 
 
 

Comments


Halkaan iigu reeb qoraal, aad igu lawadaagayso aragtidaada. 

Thanks for submitting!

© 2023 by Train of Thoughts. Proudly created with Wix.com

bottom of page