top of page

Waxaan helay hobby cusub


Salaan sare Aqriste,


Xagaa cusub iyo challenge cusub.

Sannaddadii ugu danbeeyay waxaan sannad kasta bilihiisa xagaaga ah isku dayaa inaan wax cusub aan barto oo aan is challenge gareeyo. Muhiimada iigu wayn waa labo, kow in uu hobbby-gu yahay mid igu cusub, labbo, in aan wado samayntiisa ugu yaraan 30 maalmood.

Bishaan waxaan bilaabay in aan tijaabiyo sawir qaadid, taa oo ka mid ah xifradaha aad ka laygaga wanaagsan yahay. Hasse ahaatee, 13 maalmood iyo daawasho badan kadib waxaan arkayaa in aan tartiib tartiib ugu dabaqayo wax yaabaha aan ka bartay muuqaaladii Youtubka. Sadex faaido ayaan ku qabaa tijaabinta wax cusub xagaa kasta.


1) In bilaha fasaxa ah ayasan igu dhaafin ka warqabid la'aan. Aad ayay muhiim u tahay in waqtiga iyo halkuu marayo aad ka warhayso hadaad aniga i waydiiso. Taa waxay ii sahashaa in aan ka faaidayso waqtiga inkastoon fasax ku jiro.

2) In ay xirfadaha aan tijaabiyo qaar ka mid ah noqdaan xirfado aan ku faaido muddo dheer. Sannadkii 2019-ka xirfad aan tijaabiyay waxay kaalalin wayn iiga soo baxday sadex-dii sano ee aan jaamacada dhiganayay.

3) Tijaabinta shay cusub xagaa kasta waxay ii sahashaa in aan barto waxayaabaha aan jeclahay, ku wanaagsanahay iyo kuwo aan u baahanahy in aan iska dhiso.


Maxaad jeclaan lahayd adigu in aad tijaabiso sanadkan, amase hore u tijaabisay?


Mid ka mid ah sawiradii aan qaaday maanta oo ah 13 julaay: )









bottom of page