top of page

"wakhta shalay naga tagoow, midbaa haatan noo ah weli, mid kale wuu soo socdaayeey, soo socdaayeey"



Salaan sare aqriste,


31-maalin kadib, miyaan noqday Sawir Qaade Casri ah? Inta aanan ku la wadaagin jawaabta su'aashan oon is waydiiyay, aan kula wadaago afar qodob oo aan milicsaday (Reflected) kadib 31-maalin oo sawir qaadid ah.


Qodobka ugu horeeya waa, waqtigu wuu soconayaa oo ku dhaafayaa xitaa hadaadan wax gaar ah ku qaban. Soomaalida waxay ku maah-maahdaa "Waa habeen xalay tagay" oo ay ula jeedo habeenkii xalay tagay rajo lagama qabo in uu soo laabto. Marka waxaan ka faaiday , habeen kasta hadaad joogtayso samaynta hal shay uun waxaad arkaysaa ayadoo 31-habeen ka soo wareegtay. Hadaadanse joogtayn, Labo jeeraba 31-da habeen way soo wareegi uun.


Labo, Wakhtigu ma yaree, qorshahaa yar. Waxaan xasuustay sheeko la oran jiray Hooyadu markay hal cunug dhasho waxay tiraahdaa "Kan ayaanba wakhti u la ahayee, mid kale hadaan ku daro yaa ii muslim ah" Hase ahaate, waxaa la arkaa in ay maarayso dhamaan baahida caruurta xitaa haday tobon dhasho. In kastoo Hooyoooyinku leeyihiin awood maarayn oo alle ayaga gaar ugu hibeeyay, hadana waxaan arkayna in waqtigu yarayn ee qorshuhu yar yahay. Tana waxaan ka bartay, hadaanan ku darin wax dheeraar ah waxyaabaha aan joogtada u qabto in aan aamini doono in aaanan wakhti u hayn kuwa aan joogteeyo hada.


Kan sadexaadna waa, Doorasho la'aantu ayada qudheeda ayaa, doorasho ah. Shakhsi ka mid ah asxaabtayda ayaa i jiri "Anigu waxaanba necbahay ka fikirka waxaan dooran lahaa inaan tijaabsho, sidaa darteed si aan rafaadkaas uga badbaado ayaan ba faraha uga qaadaa tijaabinta wax cusub". Dood badan kadib, waxaan isla garanay in xitaa doorasha la'aantu ka dhigantahay doorasho maadaama aad dooranayso in aad faraha ka qaadayso in aadan waxba doorato.


Qodobka ugu danbeeya waa, Hal dhagax/wirif labo shimbir ku dil. Sabababaha ugu wayn een bishaan aan u doortay in aan tijaabiyo sawir qaadida ayaa ahayd in aan maalin kasta dibada u baxo. In aan maalin kasta hawo fresh ah u baxo ayaa ka mid ahayd waxyaaba aaan doonayay in aan ku dedaalo. Oo waxaa dhacdo maalmaha fasaxa aan ahay in aan ku jiro guriga oo ah space aan aad u jeclahay ku jiridiisa. Balse waa daruuri qofka in uu haba yaraatee maalintii dibada u baxo si uu qoraxda ama saxansaxada roobka uga qayb qaato. Si aan sawir u soo qaado maalinkasta waxaa qasab igu ahayd in aan dibada u baxo taa oo keentay in aan bishaan aad u socday, booqday meelo cusub iyo weliba in aan la xamdiyay (Alle u mahadnaqid) dhirta iyo xayawaanka kala duwan ee ishaydu qabatay inta aan sawirada qaaday.


Hadaan u soo laabto, jawaabta su'aashii aan ku bilaabay qoraalka. Jawaabtu waa MAYA, ma noqon sawir qaade casri ah. Hadaba maxaan ka faaiday marka ? Waxaan bartay hal ama labo marka ay tahay sida sawirada loo qaado, khaasatan muhiimada uu leeyahay iftiinku, dhanka ama angel-ka aad ka fiirinaysid sawirka, iyo in sawir qaadidu tahay hal-abuurnimo.


Waxaan ku soo gaba gabagabaynaa Challengi 31-maalmood ahaa, Tix ka mid ah heesaha Cabdi Tahliil Warsame oo uu Yiraahdo "wakhta shalay naga tagoow, midba haatan noo ah weli, mid kale wuu soo socdaayeey, soo socdaayeey". Bishaan dhamaatay, bilana way noo bilaabaynaysaa berri midna way soo socotaayeey, soo socotaayeey. Insha Allah.



bottom of page