top of page

Waan iloobi karaa qisada balse ma iloobi doono casharki aan ka bartay


Ma jiraan qiso kusoo martay mar hore balse aadan iloobin? Weliba aad ka baratay cashar aadan ka baran buuggagta iskoolada lagu dhigo iyo kuwo aad adigu iskaa u aqrisatay. Qiso i bartay cashar aanan koobi karin faaidadiisa iyo dhinaca wanaagsan ee uu casharkaa iiga soo baxay ayaan kula wadaagayaa.


Muddo qiyaas ahaan laga joogo 5 sanno ayaan waxaan ka qayb galay xaflad aroos oo ay lahayd gabar nala dhigan jirtay dugsiga Quran walaasheed ka wayn. Reerka gabadha labo xaflad ayay dhiganayeen mid lagu dhigayo hoolka xaafada iyo mid hoteel lagu dhigayo. Annigu waxaan ka qayb galayay xaflada ka dhaxcaysay hoolka wayn ee xaafada ahna kan dugsileeydoo dhan lagu casuumay. Xaflad qurux badan ayaa la qaabiyay oo ay dad fara badan kasoo qayb galeen.


Galabkii markaan xafladii tegay waxaan la fariistay koox asxaabtayda ah, halkaana sheeko iyo qaraaxo isla qabsanay intii la sugayay aroosada. Wax aan warkii dhurnaba aroosadii timid sacab iyo mashxaradna qurux badan dhamaan dadkii goobta ku sugnaa isla hel. Intaa kadib si wacan ayaa martidii loo sooray, oo macmacaan iyo raashin udgoon badan la wada hor dhigay. Ilmo yar yar oo sidaa nacnacyada iyo macmacaanada kala duwan ula duulayo ayaan isha la raac raacayay markaan mar qura ka war helay gabar yar oo ka mid ahayd caruurtii cayaaraysay oo cirkaa qaylo dhaan ku dhufatay. Mise dadkii wada hugmayay sidii baabuur ciid galay hal marbay u dameen sidii baabuur batarigu ka dhacay. Naxdin baan fadhigaygii kala booday oo usoo dhaqaaqay xagaa iyo gabadhii yarayd oo weli afka labadii yeeraysa. Intaaan soo gaarin ayaan maqlay dadkii qaar ka mid ah oo ku qaylinaya “war gabadha wax farta looga duubo lasoo orda?”, dadkii goobta ku sugnaana qof ba qof ayuu usii dhiibay qaylo dhaantii gabdhii lahaa war wax lagu duubo farta dhiigayda keena. Xagee laga keenaa hotel lagu ma sugnayn oo ay inta ugu badan dhacdo in qalabka “Gargaarka deg dega ah” ay ku rakibanyihiin hareeraha hoolka lagu jaasayo. “ Walle war baa yaala, garbarsaar baati ah xitaa cidi masidato hadii daraf laga jeexi lahaa ayaa niyadayda dhex maaxday” anigoo dhiigii cunugta yar farteeda ka hoorayay indhaha ku haya.Hadana mar labaad ayaan is iri “Alla hadaan sidan lahaa boorsadaydii badoobayd ee sharootooyinka iyo alaabaha muhiimka ah ay iigu jireen!”, Markaas ayaan isha ku dhuftay aroosadii oo soo talaabaysa dadkii isku xooomay. Aroosadu waxay gacanta ku sidataa kaliya teleefonkeedii, isla markaana gacmihii aadka cilaanku ug xardhanaa kor ugu qaadaysa saakada dahabiga ah ee arooska. Waxay hadaba aroosadii soo gaartay gabadhii yarayd oo weli ooynaysa kadibna teleefonkeedii ka bixisay galka asana aad moodo in la cilaamiyay kadibna kasoo saartay gadaalkiisa sharooto isku laaban oo labo xabo ah. Hal sharooto bay jartay kadibna gabadhii farta ugu dhajisay, xabadii kalena ku ceshatay halkii ay awal ka soo saartay.


Halkaa ayay gabadhii yarad ku helshay sharooto, dadkii xafladana hugunkoodii iyo alalaasdkoodii kasii wateen, xafladii sharafta lehaydna sidaas ayay ku idlaatay. Balse aniga waxaan la cajabay xeelada, taxadarka iyo fikir wanaaga gabadhii aroosada ahyd. Waxaa shaki ku jirin in galabkaas sharooto lagu dhijiyo farta dhiigaysa inaan la heli lahayn hadii aysan hab fikirka iyo taxadarka aroosada aysan ahaan lahayn. Waxaan ku arkay aroosadaas dhaqan dhab ahaantii u baahan qaadasho iyo ku dhaqmid intaba.

_


Anniga shaqsiyan qisadaa aad ayay ii saamaysay oo waan ka qaatay aroosadii maadama aan garwaaqsaday in aanan mar walba sidan boorsadaydii madoobahayd balse ay hubaal tahay in aan marwalba sito mobile gayga gacanta. Waxaan hadaba muddo aan dheerayn arooskii kadib bilaabay in sharootooyinka aanan kaliya boorada ku sidan ee aan galka teleefonka gashto. Ma sawiran kartid inta jeer aan ku baxsaday sidashada sharootada. Waxaan xiliyada xagaaga oo kale sameeyaa intaan sali iyo buug yar qaato wax aqris isaga fariistaa geedo neecow badan hoostooda, waxaa dhacaday in dhawr mar uu buug baal kiisu farta iga qalay oo dhiigu ihooray, balse aanan qaylo dhaamin maadama aan sharooto ku wato halka danbe ee teleefonka. Sidoo kale waxaa dhawr mar ku baxsaday sharootadayda dad kala duwan oo aanu goobo laysugu yimaado aan ku kulanay oo laga yaabo in cunug ka kufo ama ayaga wax qalaan balse aan sharooto gacanta markaa ku wadan. Waxaan Alle uga shukriyaa in aan galabkaas haleelay u fiirsashada dhacdadii arooska. Sidoo kalena gabadhii caruusada ahayd aadbaan ugu abaal hayaa inkastay ka war qabin maadama anan aqoon badan isku lahayn balse markasta dadkaan u sheega inkastoo muddo laga joogo.

_


Waxaan ogaaday in u fiirsadhada iyo u kuurgalida dhacdooyinka agagaarkeena ka dhacaya aan ka baranayno in ka badan inta aan ka baranayo buuggaga iyo sheekooyinka dadka. Hadaba goob kasta ood tagto ogoow cilmibaa ku duugan ee u fiirso. Hadaba si aad u faaido markasta ku barmoos oo ku taqasusu xirfada u fiirsadsha/kuur galida waayo ayadaa cilmigu ku hoos jiraa. OO waatuu lahaa Louis Pasteur“Ogow in berrinka (Goobta) u fiirsashada, fursadu in ay kaliya u janjeerto maskaxda diyaarsan”.

bottom of page