top of page

Taladii ugu feecanayd een helo bishan!



Salaan diiran Akhriste,


Talo wanaagsan oon ka akhriyay buug ay tahay in Cid Kasta Aqriso oo la' Yiraahdo "SOO DOOG", oo uu qoray Cabdulqaaadir Diiriye. Buugan wuxuu ku saabsanyahay gabadh la yiraahdo Faadumo oo dalkeedi Hooyo dib ugu soo laabatay kadib muddo sodon sanno laga joogo. Buuga wuxuu dib u milicsanayaa bur-burkii ku dhacay Soomaliya iyo qasaaraha maal iyo naf ba leh ee uu reebay. Murug iyo farxad ba leh qisooyinka kala duwan ee hadana isku marxaladaha maraya ee ku jira buuga.

Talada aan ku arkay buugan waxaan is irri waxay ku haboontahay cid kasta oo lamacaamilaysa koox ay dan wada kulansiisnayso sida in ay wax isla baranayaan, yihiin asxaab wada shaqaysa ama wadaagan Hoy jiif(gurri).


Taladan waxaa bixisay Hooyo muumino oo siinaysa wiilkeeda Cabdalle oo bilaabaya shaqo cusub. Waxay ku tiri ayadoo la dardaarmaysa"Hooyo, shaqada iyo aqoonteeda adigaa iga badiya oo anigu gurgayga ma dhaafin. Laakiin waxaan aqaan dadka. Hooyo, dadka kula shaqeeya ha ku mashquulin. Ceebahooda ha baarin. Hooyo, marka qofku tago meel dadka kale horay u joogeen, waxaa qof walba isku dayaa in uu dadka kale uga sheekeeyo. Qofna yaan lagaaga sheekayn. Qof walba adigu indhahaaga iyo caqligaagu waxay kaa tusaan kula dhaqan. Qof qof kale ha u qaban. Qofkii wax ku dheer ha xasdin. Kii aad wax dheertahayna ha yasin. Xilka ku saaran ha kuu muuqdo. Ilaahay ha ku garag galo, Hooyo".

Waxaan ku jeclaystay talada Hooyadan in ay aad u muujinayso xaqiiqda goobaha shaqooyink, skuulada, iyo barkulanada kale. Waxaa dhacda in laysku mashquulo, oo laguu dacareeyo dadka qaaar hadaadan ka foojignayn. Soomaali waxay ku maahmaahdaa "Barasho horteed ha i nicin". Marka anagoon barran dadka maahan in aan indho aan indheheena ahayn balse indho islaameed ah ku aragno oo hadana ku xugmino.


Taladee bishan buug ama internetka ka akhrisay ood is leedahay dadka dhan ayay anfacaysaa?


Sawirada bishan aan qaaday sadex ka mid ah oon aad u jeclaystay:






bottom of page