top of page

Waa maxay Toastmasters international?


Isbuucan waxaan jeclaysay inaan idin la wadaago waxa ay tahay Toastmasters iyo meesha laga helo. Toastmasters waa urur u dhisan dhisida iyo hormarinta aadanaha, qaasatan dhanka fanka fagaaro ka hadalka iyo xirfada hogaaminta. Ururkan maahan mid u dhisan faa’do, calaashan in uu yahay mid faa’do dhaqaalo doon ah.

Wax yar oo ku saabsan Toastmasters:


Toastmasters waxa aasaasay nin la yiraahdo Ralph C. Smedley markay taarikhdu ahayd 1924-tii, wuxuu Ralph u aasasay in uu ku caawiyo koox ay isla shaqeyn jireen. Kooxdaas oo uu ku arakay in ay ku adkayd maaraynta kulanada kala duwan ee shirkada, sida xariirinta kulanka. Wuuxu u bixiyay kooxda magaca “Toastmaster” oo ahayd xilligaas oraah caan ah, loona yaqaanay qofka hadal ka soo jeediya goobaaha sida aroosyada ama qalin jabinta iskoolada. Maanta Toastmasters waxay ku leeyihiin 149 wadan in kabadan 15 800 oo Cubs, Clubs-kaas oo ay ka tirsanyihiin xubno ka ka badan 300 000 kun oo qof. Urukan xaruntiisa ugu wayn waxay ku taalaa wadanka maraykanka.


Qaab sidee ah buu u dhacaa kulanka Toastmasters?


Kulan kasta oo Toastmaster clubs ay qabanayaan wuxuu ka koobanyahay sadex qaybood oo waa wayn. Qayta ugu horaysa waa waxaa loo yaqaan “Prepared speeches”, halkaan dhawr qof ayaa maalinta la kulmayo la wadaagaysa dadka mawduucyo ay horay u soo diyaarsadeen. Fursadaan mawduuc soo diyaarinta kaliya waxay u furantahay dadka ka ah ururka xubin. Qaybta labaad ee kulanaka waxaa loo yaqaan “Impromptu speeches ama Table topics”, qaybtaan waxaa ka qayb qaadan kara qof kasta oo kulanka markaa ku sugan sida martida iyo dadka xubnaha ka ah ba. Sidoo kale qaybtan waa qayb luugu talo galay in lagu hormariyo fikirka qofka iyo sida uu qofku su’aal uusan soo diyaarsan uga jawaabi karo si qurux . Qaybta sadexaad ee ah qaybta ugu danbaysa kulanka ayaa loo yaqaanaa “Evaluation section”, qaybtan waa qaybta lagu bixinayo qiimayn ku aadan qof kasta oo hadalay maalintaa iyo kulanka guud ahaantiisaba. Waxaa ka mid ah qiimaynta tusaale ahaan in dadka hadalka soo diyaariyay oo kale la siiyo qiimayn (feedback) ku aadan hadal soo jeedintooda.

Intaa waxaa u dheer kulanka si ay sadexdaas qaybood oo kulanka u qabsoomaan in ay dhamaan kasoo qayb galayaasha kulanka ay qaadanayaan doorar kala duwan sida in uu qof yahay daadiyahaha kulana, waqti haye, qiimeeyaha hadalka lasoo diyaarshay iyo waydiiyaha su’aalaha kooban ee qaybta labaad. Door qaadashana ayaa sahlaysa in qofku iska hormariyo qaybooyin kala duwan xitaa haduusan maalintaa kulanka uusan hadal diyaarsan soo jeedinayn.

Ma lacagbaa layga rabaa hadaan xubin ka noqonayo Toastmasters, Xageese laga helaa Toastmaster clubs?


Haa, waxaad bixinaysaa khidmad gaaraysa 45 dollar lixdii biloodba, waxaase intaa u dheer isdiiwaan galinta koowaad 20 dollar oo dheeraad ah ayaad bixinaysaa. Waxaadse ka heli kartaa Clubs kuu dhaw hadaad ku dhufato halkan https://www.toastmasters.org/find-a-club. Waxaad dooran kartaa in aad ka mid noqoto Club lagu kulamayo waji ka waji ama mid lagu kulamayo barta interneetka. Labadaba way jiraan ee adigu uun dooro kii kula feecan.


Anniga Hodan ahaan maxaa igu dhaliyay inaan ka mid noqdo Toastmasters?


Waxaan annigu ku biiray Toastmasters sannakan 2021-ga bishiisii abriil, Labo sababood ayaana ugu biiray. Sababta koowaad waxaan ugu biiray inaan ku hormariyo awoodayda hadal ee ingriiska. Waxaan ku dhex dhacay koox ku hadasha uun luuqada ingriiska taas oo igu qasabtay inaan luuqada ku hadlo markasta weliba isku dayo inaan mawduuc gaadhaya 7 daqiiqo ku soo jeediyo haba ila adkaatee. Taas oo caawimaad wayn ii noqotay marka loo eego ku tababarashada luuqada.


Sababta labaad oon ugu biiray Toastmasters ayaa ahayd inaan aad iyo aad u jeclahay fanka fagaara ka hadalka. Kaliya maahan inaan anigu hadal inaan soo jeediyo jeclahay ee waxaan sidoo kale farxad ii ah marwalba inaan dhagaysto dad badan oo nasiib aan u yeeshay inaan soo jeedintooda cajiib ka ah u dhagayso waji ka waji ama aan interneetka ka daawado. Sadex qof oo tartamayaal Toastmasters ah oo anniga shaqsiyan aan aad u jeclahay kuna daydo soo jeedintooda cajiibka ah ayaan kula wadaagayaa, sadexdaan qof oo ku guulaystay darajada koowaad ee tartanaka aduunka ee sannad laha ah ee fanka fagaaro ka hadalka sadex sanno oo kala duwan. Qofka lambarka sadexaad iigu jira waa Mike Carr oo ah qofka darajada koowaad galay sannadkii 2020. Labarka labaad waxaa iigu jirta gabar la yiraahdo Ramona J. Smith ayaduna koowaad gashay sannadkii 2018. Lambarka koowaad waxaa iigu jira Dananjaya Hettiarachchi oo aan soojeedintiisa iyo mawduuciisaba aan aad u jeclahay taas oo kentay inuu ii yahay tartama igula wanaagsan dhamaan Toastmasters ka kala duwan ee tartamay ilaa iyo sagaashameeyadii.

Halkan hoose riix si aad u daawato 3 tartame soo jeedintooda ilana wadaag qofka adiga ku cajab galiyay:




Ku biirida Toastmasters maxaan ka helayaa oon ka faa’idayaa annigu?


Ka mid noqoshada urukan waa mid faa’idooyin badan leh balse hoos ayaan kuugu soo koobayaa shan faa’do ood ka heli karto Toastmasters international.


1) La kulanka dad cusub oo kaa firkir iyo aragti duwan. Sababta ugu wayn ee dadka lagula taliyo in ay badanaa dalxiisaan ayaa ah in ay aragtidoodu balaarato kadib markay la kulamaan dad ka diin, dhaqan iyo aragti duwanba. Ka mid noqoshada Toastmasters waxaad ka helaysaa in adigoo gurigaaga fadhiya aad la kulmayso dad ka soo jeeda dhamaan qaaradaha aduunka kuwaas oo aan kugu diin, dhaqan, aragti iyo jinsiba ahayn. Kala duwanaashahaas oo xambaarsan sheekooyin, dhacdooyin iyo fikrado kuwaaga wax badan ka duwan, oo kuusaamaxayo in uu hab fikir kaagu balaarto. Balaarashada fikirkuna maahan dabcan in uu qofku ka tago diintiisa, dhaqankiisa iyo jinsiyadiisa markuu dhexgalo dadka duwan ee waxay tahay in uu ku baraarugo uun in aduunka ay kugula noolyihiin dad kaa duwan adiga.


2) In aad fursad u hesho ka mid ahaanta dad guulaystay. Guushu way micno badantahay balse sida dad badan ay qabaan ayaan aniggu shaqsiyan qabaa dad guulaystay waa dad markasta u taagan in ay naftooda hormariyaan una dagaalamaya in ay ka wanaagsananaadan maanta siday shalay ahaayeen. Dad guulaystay waa dad naftooda si joogto ah u maalgalinaya. Marka waxaad fursad u helaysaa inaad qof naftiisa hormarinaya noqotid maadama ay dad guulaystay kugu hareeraysanyihiin.


3) In aad helaysid qiimayn ( Feedback) markasta aad hadal soo jeediso ama aad hadasho. Qiimayntan ayaa ahayn mid dad badan luguugu dhexsiinayo oo badanaa xubnaha kooxdu aad uma badna weliba xubnuha Toastmasters waa kuwo is taageeraya marka bay’ad amaan ah ayaa laguugu siinayaa qiimayn aad isku wanaajinaysid. James Clear wuxuu yiri asagoo ka hadlaya qiimaynta “In aad heshid qiimayn ku aadan meelaha aad u baahantahay inaad iska wanaajiso waxaa kaaga daran inaad ka indho duubantahay meelaha dul duleela eed leedahay”, Toastmasters sidoo kale waxaa lagu bartaa in aad qiimayn wanagsan oo ay ka maran tahay xanaf aad siisid qofka aad qiimaynayo. Si uu qofkaas qiimayntaadu ugu noqoto hormar seed ee ayasna u noqon horumar hor joogsi.


4) Horumar aan dhamaanayn, oo ku aadan meelo badan oo kala duwan ayaad fursad u helaysaa. Waxaa jirta oraah tiraahda “Waxaad ku celcelisaad tahay” taas oon oran karo waa mida aan ku samayno Toastmasters waayo waxaad ku celcelinaysaa ku tababarashada goobo kala duwan si aad naftaada u horumariso. Sida in aad kulanaka xariiriye u noqotid ood hormarisid koox, in aad dadka qiimayn wanaagsan siiso adigoo hadana u tilaamayo meelaha ay u baahan yihiin in ay iska wanaajiyaan iyo in aad adigu u adeegsato qiimaynta dadka kale si aad u hormariso xirfadaada hadal iyo qoraalba. Marka waa horumar aan dhamaad lahayn ood naftaada hormarinayso.

5) Faa’iidada ugu danbaysa waa mid qof nimadeena saaamayn wayn ku yeelata waana kalsoonida. Ka tirsanaanta Toastmasters iyo tabararka badan ee aad samaynayso wuxuu dhalayaa inaad aad ugu wanagsanato xifrada dad ka hor hadalka, hadal qorida iyo hogaaminta. Mark kasta ood shay ku wanaagsanato waxaa kuu kordhaya kalsooni taas oo ku jeclaysiinaysa cid aad tahay kuuna horseedaysa inaad ku dedaasho inaad noqoto qof kaad maanta tahay mid ka sii waagsan.


Ugu danbayntii waxaan kusoo koobayaa in xirfadaha maanta aduunka ugu qaalisan ay ugu horeeyaan xirfada dad ka hor hadalka iyo xirfada hogaaminta, marka waa muhiim inaan iska qurxino labadaa xirfad oo si kasta oon ugu wanaagsanahay hadana aan kusii dadaalno si aan u gaarno heer ka sii sareeyo heerkaan joogno hada. Ogown shayga ugu qaalisan eed naftaada u samayn kartid waa in aad ayada maalgashato, si ay berri ka maalin kuu anfacdo. Waxaanan rajaynayaa in qodobadaan shanta ah ee aan aniggu ilaa iyo hada ka faa’iday ka mid ahaashada Toastmasters International inaad adiguna ka helshid hadaad tijaabisid Insha Allah.

FG: Kuma helayo wax dhaqaale ah In aan idinla wadaago waxay tahay Toastmasters ee anigga uun baa iska jeclaystay.

Comments


bottom of page