Hurdadu waxay qayb wayn ka tahay caafimaadkeena guud iyo mid ka gaar ahaaneedba. Hurdadu waxay saamaysaa badbaada jirka iyo maskaxda, iyo weliba in qofku uu si dhamaystiran u fiyoobaado dhan kasta. In kastoon markaan yaraa anan muhiimada hurdada wax badan ka ogayn ayaan hadana dad waawayn ka heli jiray tallooyin joogto ah oo ku aadan hurdada iyo muhiimadeeda. Markaan soo waynaaday waxaa dhacday in marar badan aan tago firaashkayga si aan u seexdo hadana aan hurdo iska waayo. Habab badan ayaan ku dhaqmay si ay hurdo iiga soo dhacdo mararkaas balse maanan ku guulaysayn ilaa aan talo wanaagsan ka helay qof wanaagsan oo shabahda talo laysiiyay muddo laga joogo 12 sanno. Marka waxaan isbuucan jeclaystay inaan taladaas oo hurdada kuu sahlaysa inay kaa soo dhacdo dhaqsi inaan kula wadaago. Sidoo kalena waxaan raaci doonaa qaab kale oon sameeyo aan aaminsanahay inay ayana qayb ka tahay hurda wanaaga Ilaaheey hada iigu deeqay.
Sannadkii tagey bishiisii sideedaad ayaan waxaan bilaabay jaamacada anigoo isla markaana baranayay xirfada Turjumaanimada (Somali iyo Swedish). Labada wax barasho oo labaduba sahlanayn ayaa waxaa ii raacay qaabka cusub ee jaamacada oo loo raray dhanka qadka (Online) ka dhacaysay arrin la xariirta caabuqa Carona Virus awgiis. Miskiintaan oo jaamacada imtixaanadeeda ku cusubyihiin ayaa hadana waxaa barbar ordayay imtixaanadii xirfadii Turjumaanka, labadaas oo is haleelay ayaa ii keenay hurdo yari. Waxaan isku dayay maadama aanan habeenki si fiican u seexan in aan galabtii isku dayo inaan saacad iyo bar seexdo. Mise habeenkaaba la qaatay, hurdaba ha ku sheegin, awal ayaanba ahaay qof aan maalintii seexan ilaa inaan xanuunsanahay maahanee 😊 . Ugu danbeen waxay xaajo iskugu tagtay in aan reerka ku iraahdo codka iga gaabiya, layrka iska damiyo, sariirta iska dul seexdo saacad iyo bar galab kasta sidii inaan jiifo inkastoo lay wada ogaay inaanan jiifin.
Galab galbahaygaas ka mid ah anigoo sidaydii iska dul jiifa sariirta layrkuna ii densanyahay ayaa waxaa iisoo galay Cabdullahi yare oo ah yaraanka gurigeena waqtigaana ahaa 5 jir, layrka ayuu daaray arkay inan sariirta ku jiro. Cabdullahi wuu soo taag taagsaday, idul yimid kadibna arkay in aanan jiifin oo indhaha uun isku hayo (Maadama aan indhaha ka biriq biriq siinayay) kadib ayuu i waydiiyay “ma seexanin miyaa?” Maya, ayaan uug jawaabay, una raaciyay “Huro dhan aan la’ahay Cabdullahi”. Markaasuu iyiri “ Makuu sheegaa si aad dhaqsi u seexatid “ haa, ayaan ugu jawaabay. Cabdullahi wuxuu yiri “Maskaxda dhan eber ka dhig kadibna hurdada dhaqsi ayay kaaga soo dhacaysaa”. Aaad ayaan u qoslay ulana cajabay oraahdaas maadama ay tahay oraah aan horay u maqlay weliba oraahdaan maqlay 12 sanno ka hor. Waan sii waydiiyoo iri “Cabdullahi adiga markaad seexanaysid maxaa niyadaada ku jira ood ka saartaa” Cabdullahi wuxuu yiri “ Waxaan ka saaraa cayaarta aan la cayaaro saaxibaday maalintii iskuulka markaan isla joogno oo ah mid aad u xiiso badan” Masha Allah. Allaha ii daysto yaraanka xaafadeena caqligiisana Allaha u barakeeyo. Galabkaa kaliya iguma dhalan inaan dib u fiiryo waxa dhax mushaaxaya maskaxdayda markaan dhinac isku dhigo ee waxaan xasuustay oraahdan halkaan ku maqlay.
Waxaan Kenya kula kulmay curadka ayayday Aabo adeer Cabdullahi oo aanan weligeen horay isku arag, ahna shaqsiga lagu samiyay Cabdullahi yaraheena. Adeer oo ahay qof hawl karnimo iyo wax tarka dadkiisa kaliya aan caan ku ahayn ee caan ku ahaay sida uu ugu egyahay 20 jir asagoo da’diisu ay aad uga wayntahay 20 jir. Annigoo astaantaas niyada ku haya ayaan adeer la kulmay. Mise waa sidii loo sheegayay, adeer da’yari ka muuqato, hilib aan saarnayn, dhiig furan iyo waliba mida iigu darnayd aniga ay tintiisu wada madowdahay Masha Allah. Waxaan xasuustay in adeero asaga ka yaraay ay tima cadaayeen. Ayaan kadib ayan waydiiyay “Adeer kaliya yariis uma ekid ee tintana way kuu madowdahee maxaa samaysaa”? Adeer wuxuu i yiri “Mid waligaa ku dedaal, maalintii oo dhan in aad wax kasta oo kuu yaal aad qabatid oo ku hawlanaatid balse sidaa markaad sariirtaada habeenki cagta usoo galiso inaad halkaa iridka ah uga soo tegtid culayskii maalinta iyo waxa kuu yaala berri, intaa hadaad samayso caafimaadkaada ayaa u hiilisay”. Taladaas si wacan maanan u qaban xiligaas ku dhaqankeeda iska daayee, balse hada ayay micno wayn ii samaysaa, sidoo kalena waxaa abaal ku leh Cabdullahi yare inuu dib ii soo xasuusiyay. Weliba inaan ku dhaqankeedii faa’ido iyo natiijaba ka helay. Labo ayaan sameeyaa si aan hurdada dhaqsi u helo, fakarka iyo maskaxda guuxa ka yeerayana u damiyo markasta oon seexanayo.
1. In aan buugayga xasuus qorka ku qoro haday jiraan dareeno welwel ah sida imtixaan aan samayn rabo. Qoraalkaas oon badanaa qoro inta aanan seexan kahor ayaad moodo in uu culays iga saarnaa garbaha iga dejiyo. Sidoo kale wuxuu qoraalkaa iga saacidaa in aan maskaxda ka dhaadhacsho in culayskaa uu degay oo xalkiisa lahelay markaana ay maskaxda shaqadeedu tahay uun in ay nasato hada inta ay joodariga fursada u haysato. Halkaa waxaa iga hara welwelka iyo walaaca ku aadan imtixaanada iyo arimaha kale ee nolosha.
2. Tan labaad waxaan qoraa habeen kasta intaanan jiifan kahor jadwalka berri haduu Alle raali ka noqdo. Jadwalkaas oon ku qorayo dhamaan hawlaha waayayn iyo kuwa yar yar ee ii yaal maalintaas, sida casharada iyo saacadaha shaqada. Jadwalkan oo maalin laha ah ayaa ii sahlo inaan markaan dhinaca isku dhigo aanan ka fikirin berri waxa ii yaal iyo xiligaan qabanayo maadama ay maskaxdu ka war qabto ina uu qorshahaas oo dhan uu diyaarsanyahay.
Labadan qaab iyo taladii adeerkay Cabdullahi iyo samigiisii Cabdullhi yare ayaan isku darsadaa annigu markasta Alxamullilah waxaan u seexdaaa si wanaagsan. Waayihii ugu danbeeyay hurdadaydu aadbay iigu wanaagsantahay taas oon arkay in caadimaadkayga ay saamayn wayn oo wanaagsan ku yeelatay. Sida in wax qabadkayga iyo diirad saaridayduba ay wanaagsanaadeen taas oo ayana markeeda saamayn ku samaysay natiijooyinka casharadayda iyo hawlaha kale aan qabto.
Qoraalkayga waxaan kusoo koobayaa in hurdada wanaagsan ay caafimaad iyo maskax wanaagsan ka dhigantahay. Qofka hurdadiisa ku dedaala wuxuu u hiiliyay caafimaadkiisa, kuna dedaalay in uu jir iyo maskax ahaanba u firfircoonaado. Ee aan ku wada dedaalno inaan xili feecan seexano si aan hurdo nagu filan u helno, taas oo inoo horseedaysa badqab iyo farxad fara badan. Ogoown caafimaadku waa aasaasiga farxada, hurdaduna waa asaaasiga caafimaadka.
FG: Waa muhiim in tilaabooyinkaan aad ku darto baryada Alle iyo talo saarashadiisa waayo waxaan Alle sahlin ma sahlanaadaan.
Comments