top of page

Sannad currasho wacan


Bismilaah!


Waxay mahad oo dhan ay u sugnaatay Allahii sannadkan dhamaanaya caawa nabad, caafimad iyo barwaaqaba nagu soo gaarsiiyay. Mahadnaq kadib waxaan Alle inooga wada baryayaa in sannadkan soo socoda (2022) inooga dhigo mid ka barwaaqo badan kan caawa baxaya (2021). Waxaana sidoo kale nawada xasuusinayaa in sannadkan si kasta oo uu dhan uun uga adkaa hadana inuu farxadiisa iyo barwaaqadiisa lahaay ee aan nimcadaas kawada shukrino oo sannadkan intiisi aan wanaagsanayn ku ilowno nimcadiisii.


Intaa kadib, waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahy currashada sannadka caawa inkastoon ogsoonahay in uusan sannad cusub ahayn marka loo eego dhanka taariikhda islaamka. Hadana saas ay tahay waa sannad aan inteena badan ku xiranahay, kuna tirsano amuuraheena kala duwan. Caawa waxaan kaloo ku faraxsanahay in aan qorayo warqadii ugu danbaysay ee sannadkan. Warqadayda caawa ma dheerayn doono balse waxaan dib yar u milicsan doonaa qoristaydii sannadkan.


Waxaan qoray warqadaydii ugu horaysay 31 janaayo 2021-da, taas oon ku soo daabacay blogggayga ii qaaska ah ee internetka. Sababta ugu wayneed ee igu dhalisay inaan wax qoro ayaa ahayd inaan farta qoraalka soomaaliga iska hormariyo. Taa waxaa ii dheererayd inaan xiisaynayay qorida mawduucyo kala duwan. Qoraalkaygi ugu horeeyay waxaan wax ka qoray sida aan u doonayay in aan ka talaabsado caqab i hortaagneeyd xilligaa oo ku aadanayd dib u dhigista qorida, anigoo ku sugaya ilaa intaan iska hormarinayo sharciyada qoriska afka soomaaliga. Su’aashu waxay tahay hada bilooyin badan ka dib miyaan dhankasta oo ku aadan sharciyadii qorista af-soomaaliga bartay?


Jawaabta gaanbani waa “Maya”. Jawaabta dheerna ayaduna waa “maya” laakiin wax badan ayaan bartay oo ii kordhay Alaxamdullilah. Qodobka ugu wayn ee aan bartay ayaa ah in aan fikirkayga iyo shucuurtaydaba ku cabiri karo qoraal ahaan, taas oo awal aad iigu adaykayd. Hadafkayga ugu wayn ayaa ahaay inaan ugu yaraan qoro bil kasta hal warqad balse Alle wuxuu igu guuleeyay in aan qoro shan iyo tobon warqadood muddadii sannaku socday. Tan caawa aan qorayana iigu dar oo waa lix iyo tobon 😊. Waxaa laga yaaba cadad ahaan in ay yartahay balse si kasta ay ahaataba hadana waxaan naftayda aad ugu amaanayaa ka run sheegista wax qoridaan ku tamanin jiray waayo iyo u adkaysiga xitaa bilaha ay ii noqon waysay.

Ugu danbayntii waxaan kusoo af-meerayaa qoraalkayga ugu danbeeya sannaka oraah aan sannadkan 2021-da bilaawgiisii aan ku xusay warqadaydii ugu horaysay, oraahdaa oo ornaysay “ ogoow in wax qabadka yari uu kun jeer ka wanaagsan yahay wax qabad la´aan sannadka dhamaadkiisa”, oraahdaan oon caawa dareemayo micnaheeda dhabta ah. Taas oon ula jeedo, xitaa hadaanan qorin 100 warqadood sannadkan 2021-da waxaan qoray 16 warqad taasna kun jeer ayay ka wanaagsantahay anigoon waxba qori lahayn sannadkoo dhan. Alxamdullilah :)

OBS: “ Riyooyinku ma rumoobaan/shaqeeyaan ilaa inaad samayso mooyee” John C.Maxweell

bottom of page