top of page

Sadex hadaan ogaan lahaa aan tijaabin lahaa wax yaabo badan "challenges"

Salaan sare Aqriste,





Hadaad akhqriday blog-ga aan todobaadkii hore qoray waxaad la socotay tijaabinta aan ku wado habka sawir qaadida. Taa oo ah Hobby cusub oon bilaabay summer-kan. Isbuucan waxaan kula wadagayaa sadex aan jeclaan lahaa in aan ogaan lahaa ka hor inta aanan bilaabin Tijaabin cusub.


1) Qasab maaha in waxa aad tijaabinayso ay noqdaan kuwo aan la rumaysan karin. Waxaan moodi jiray waa gii hore in tijaabo cusub ay tahay qofku marka uu diyaarad ka soo boodo oo kale hadii ay taa ahayna aysan u qalmin in luugu yeero tijaabo. Hase ahaatee, waxaan dib ka ogaaday in tijaabo aad samasay aadna weligaa ku khasaarayn. Mida ugu daran waa in aad tiraado sidii Cigaal shiilaal “Ma Waxaan ku Mooday, Mise Waxaad noqotay, Mise waxaan loo noqon doonin".


2) Ha isku halayn cilmigaaga oo kaliya ee samee cilmi baaris ku aadan waxa aad tijaabinayso. Maanta waxaan ku suganahay waqti uu keyboard-ku u dhexeeyo cilmiga iyo qofka raadinaya. Marka wax kasta ood rabtid in aad hormarido ka baar internet-ka. Tani waa mid aan anigu ka gaabiyay waayihii aan ku cusbaa tijaabinta.


3) Tan ugu dabaysa een jeclaan lahaa in cid iiga dhici lahayd mar hore waa, In aysan Muhiimadu ahayn in aad, aad ugu wanaagsan tahay waxa aad bilaabayso ee muhiimadu waa samaynta lafa-ahaanteeda. Tani waxay iga caawisay ku dhiirashada tijaabinta waxyaabo cusub inkastoon ku wanaagsanayn.


Kuwo ka mid ah sawiradii aan qaaday isbuucan, anigoo isku dayaya in aan qaado "sharp photos"





bottom of page