top of page

Quruxda febraayo

Bismilaah!

Salaan diiran aqriste, sheeko yar oo bishan febraayo ku saabsan ayaan kuu wadaa caawa.


Sabtidii ayaan waxaan xariiriye ka ahaay kulan isuucle ah oo Toastmaster Club aan ka tirsanahay ay qabteen, mawduuca kulanka oon anigu soo dooray soona diyaariyay ayaa ahaay “Quruxda bisha febraayo”, bilkasta qurux u gaar ah ayay leedahay. Bishaan febraayo waxaa ka mid ah quruxdeeda booska ay tirsiga bilaha kaga jirto bishu. Waa bisha labaad ee sannaka taas oo micnooyin qurux badan leh balse aan kula wadaago labo ka mid ah quruxda bisha labaad ee febraayo.



Oraahdan sawirka kore ku xusan oo orginalkeedu yahay engriis ayaa leh“in february there is everything to hope for and nothing to regret”, oraahdaan waxay ka kooban tahay labo qaybood. Qaybta danbe ee oraahda ayaan ku hormarayaa “In february there is nothing to regret”, qaybtaan waxay aniga ahaan i leedahay “Hadii ay bishii lasoo dhaafay dabeecadihii cusbaa eed qorshaysatay inaad yeelato aysan kuu wada suurto galin maahan inaad shalayso waayo bishii labaad uun baan ahay aniggu”. Micnaha ay ii samaynayso in bishani ay tahay bishii labaad uun waa kow in hal bil uun ay tagtay marka loo eego bilaha sannadka, labo in wax kasta oo koraya ama kobcaya sida geedaha iyo caruurtaba aysan habeen uun ku korin ee ay waqti qaadataan, anagguna aan sidoo kale nahay. Marka in aan bishii tagtay (janaayo) aan ka dhigano bishii aan miraha aan doonayno inay noo baxaan aan beeraynay, taas oo ka dhigan xitaa hadaanan weli beertaan beeranay aysan caleemo waawayn dhalin kama dhigno in aysan wax noo duugnay ama beernay. Hadba qof meel sahay dhigtay maahan inuu shalaayo.


Qaybtii koowaad ee oraahda oo ah mida horaysa waxay u dhacaysaa sida tan “In February there is everything to hope for”, qaybtaan ayaduna waxay i leedahay“Febraayo sii rajee inaad gaari kartid wax walba ood doonayso inaad gaarto waayo waa bishii labaad”, taas oo ka dhigan in tobon bilood oo buuxa ay sannadka ka harsanyihiin. Hadaba tobon bilood oo dhamaystiran ayaa haray kana kooban qiyaas ahaan 306 maalmood, bal kawaran cidii ay rajaydeedu yartahay ayadoo waqtiga saa u dheer ka haray sannadkii!. Waa nasiib xumo ayaan aaminsanahay anigga hadii waqtigoo sidaa u dheer aan ka niyad jabno in aan qabsan karno wax kasta oon ku haminayno inaan qabano. Marka bishaan febraayo quruxdeeda waxaa ka mid ah baahinta ay baahinayso in bishii labaad uun ay tahay, sidoo kale in ay ku xanuusinayso in aad bishii hore wax beeratay iyo in kale. Isla markaana waxay ku leedahay “hadaadan weli wax beeran, oodan qorshooyinkaagii qoran, aadan u qalab qaadan inaad hormariso naftaada hadaba bishan febraayo waa fursad feecan ood dib dhaxda u xiran karto maadama ay tobon bilood oo dhan ay kuu hartay. Hadaad beeratayna marka hore waan kuu hambalyaynayaa, marka xigtana bishan febraayo waxay ku leedahay sii wad waraabinta beertaad beeratay si miro aad u waawayn oo u macaan aad u gurato todon bilood kadib.


Ugu danbayntii waxaan caawa qoraalkayga ku soo af-meerayaa dardaaran yar oo macal naftayda ku wajahan kaas oo oranaya “weli ma aadan ka habsaamin in aad beer wayn (qorshooyin samaysato) beerato oo aad kuu anfici doonta tobon bilood kadib Insha Allah, sidoo kale ha joojin marnaba waraabinta beerta (ku dhaqanka caadooyinka) haba yaraatee”.


FG: Halkaan hoose riix si aad u ariso waxa uu yahay Toastmaster Club: https://hodanhilmi.wixsite.com/my-site-4/post/waa-maxay-toastmasters-international

bottom of page