top of page

Oraah wax wayn ka badashay nolosheyda maalinlaha ah



Weli wax ma qorshaytsatay? Kadibna markaad ku dhaqaaq is tiri qorshahaagii wax si ma noqdeen? Halkaa markay marayso ma is tiri, “qorshaygii fashilanyay” oo caro iyo ciil dhulku ma kula wareegay? Hadba halkaan waxaan kugu hayaa oraah aan isticmaalo markasta oon xaalad noocaas oo kale ah dareemo. Oraahdaan aan kuu soo wado hadaad ku dabaqdo noloshaada,weliba ku fakarto xili kasta uu qorshe si uun kaaga habaabo waxaan hubaa in haba yaraadee uusan jirayn qorshe kaa fashilmaya.


Isbuucan caawa dhamaanaya maalintiisii bilwga ee isniinta ahayd, ayaan u anba baxay wax aqris iyo xagaa iyo jaamacada. Maadama aanan wax xiisad ah lahayn maalintaas ayaan ku talo galay wax aqris uun. Habeenkii isniinta soo galaysay ayaad sidaydii qortay qorshahayga wax aqris ee aan qabanayo isniinta. Waxaan qortay in aan waqtigayga ukala qaybiyo labada maado oon aqristo oo kala ah “Vetenskap och metod “ iyo “Mikroekonomi”.


Waxaan tegay jaamaca sagaalkii subaxnimo oo wax yar dhiman, waxaan qorsheeyay inaan hor aqriyo qoraalo dheer oon isbuucyadaanba waday ee maadada “vetenskap och metod” ka ah. Markaan qolkaygii aqriska galay, kursiga salka la helay ayaan laptop-ka soo saartay miiska kadibna daartay. Mise waxaaba saaran “Fadlan cusboonaysii laptop-ka" (Update), Waxan is iri “ war laptop-ku kaa gar leh ileen isbuuc dhan baadan cusboonaysiinee”. Waxaan ku dhuftay cusboonaysii kadibna yara sugay si uu shaqada u dhamaysto. Mise waaba haduu dhamaysto shaqada. Wareeg iyo weli wax baa haray ayuu ka bixi waayay. Ciil iyo maxaad marka hore u cusboonaysiisay ayaan is iri maadama ay qoraaladii aan aqrin lahaa yihiin kuwo ku jira laptop-ka. isla markiiba waxaan xasuustay oraahdaan doonayo inaan kula wadaago oo oranaysa “Had iyo jeer xasuusnow in Noloshu tahay 10% waxa kugu dhacaya halka 90%-na ay tahay-sida aad uga falceliso”. Anigoo ku dhaqmaya fikirka ay oraahdaan xambaarsantahy ayaan go’aansaday markii ay saacadu marayso 9:15 barqanimo inaan maadada kale aqriyo. Madadan “Mikroekonomi”ga ah ayaa ahayd mid aan buug ka aqrinayay marka ayadaan ku hormaray aqriskeeda walow ay ii qorshaysneed inaan bacdul qado aqriyo. Halkaas ayaan ka bilaabay aqriskaygii.


Wuxuu laptop-kii wareegaba 55 daqiiqo kadib ayuu cusboonaysiintii dhamaystay, aniguna dhameeyay hal cutub oo buugan aqrinayay ah. Sidaas ayaan maalintaas labadii maadaba ku aqriayay inkastoon aan is weydaariayay aqriskooda.


Hadaba sheekadaan waxaan kugu la wadaagayaa in qorshooyinkaga waa wayn iska daaye kuwa yar yar ee maalin laha ah xitaa aysan mar kasta kuu noqonayn sidaad rabtid. Markasta uu qorshahaagu kuu noqo waayo sidaad rabtay labo mid ayaad ku dhaqaaqi kartaa kow, in aad xanaaaqdo oo ciil iyo caro dhulku kula wareego ood maalintaas oo dhan madax xanuun iyo shalaayto ku dhamaysato. Labo, in aad tiraahdo “ Wax dhib ah ma lahan” kadibna ku dhaqaaqdo qorshe kale oo kuu yaalay.


Arrintaa igu dhacday iyo kuwa kaloo badanba waxaan hubaa hadaan falcelintaydii hore ku dhaqmi lahaay in aan caro iyo ciil laptop-ka isha uun ku hayn lahaa 55-tii daqiiqo oo dhan, weliba dareemi lahaa in ay cusboonaysiintu qaadatay 55 saacadood ee aysan daqiiqado ba ahayn. Nasiib wanaag se waxan araky in ka falcelinta wanaagsan ay kun jeer kaaga caafimaad badan tahay tan xun. Hadad si degan iyo wanaag ku falcelido maalintaada oo dhan ayaa sidaad jeclayd kuugu dhamaanaysa halka hadaad se falcelin xun abaarto ay maalintu kaa halaabayso.


Marka ogoow, in noloshu caqabadaheeda aysan weligood dhamaanayn, markastana aad la kulmi doontid derbi yar iyo mid wayn ba balse waxa go’aamiya darbigaa xoogiisa iyo kartidiisa in aya tahay falcelintaada. Hadaad felcelin wanaagsan ku qaabisho derbiga lagama yaabo inuu ku guulaysto celintaada. Halka hadaad falcelin aan wanaagsanayn doorbidid aad adiguna derbigaa hortaagnaanayso daqiiqado, maalmo, isbuucyo, bilooyin iyo weliba sannado. Marka si aadan waqtigaaga isaga dhumin, caafimaad darana kuugu dhicin xasuusnoow markasta waxa kugu dhacaya in ay nolosha 10% ka yihiin, tobankaas oodan gacantaada ku maamuli karin halka 90% ee hadhayna aad adigu gacantaada ku hayso, maadama aad dooran karto qaabkaad uga falcelinaysid.

FG: Oraahda asalkeeda waa tan: “Always remember that Life is 10% what happens to you and 90% how you react to it”. - Charles R.Swindoll

bottom of page