top of page

Qofkeed rabtaa inaad noqoto qarnigan?


Salaan diiran aqriste!

Ma tahay qof jecel in uu korarsado cilmi cusub maalin walba? Taageere wayn ma u tahay horrumarinta nafta? Ma jeclaan lahayd qaab sahlan ood ku cabbiri kartid cilmiga maalin laha ah ee kuu kordhaya?

Haday jawaabtaadu “Haa”tahay siday da oo kale waxaan kuu hayaa hal su’aal oo horuseed u ah horrumarinta nafta, kuu sababaysa in aad arday u ahaatid nolosha, weliba kuu noqonaya miisan aad ku cabbiri kartid horumarkaaga maalinlaha ah.


Halkaan su’aal waxay ka mid tahay 17 su’aalood oon ka jawaabo habeen kasta intaanan seexan, su’aalahaas oo meelo kala duwan ii qaabil san. Hadaba, su’aashan aan kuu soo wado waxay ii sahashay aniga ahaan in aan si dhaw ula socda horrumarka maalin laha ah een samaynayo. Waxay sidoo kale su’aashan ii sahashay inaan jawaabo badan u hayo hadaan is waydiiyo ama lay waydiiyo maxaad baratay maanta, isbuucan aama bishan. Maxaa ka wanaagsan in aad jawaab cad u hayso qodob ku soo maaxday maskaxdaada?


Su’aasha aan kuu soo wado ayaa ah “Maxay yihiin waxa aad baratay (learn), dib u baratay (relearn) ama aad barashadooda joojisay (unlearn)?. Dabcan waxay su’aashani ka kooban tahay sadex qaybood balse waxaan ku jeclahay ayaa ah in qaybuhu yihiin kuwo is leh. Waxaan aad ugu kuur galaa, kuna dadaalaa maalin kasta inaan barto wax cusub waxa ay rabaan ha ahaadaane. Isbuucan waxa aan bartay waxaa ka mid ah sida virtual presentaion luugu sameeyo aalada Zoom-ka. Taas ayaa ahyd mid aniga ahaan igu cusbayd isla markaana jawaab iigu noqotay su’’asha qaybteeda koowaad.

Waxyaabo badan ayaan dib u bartay (relearn) muddadii ugu danbaysay taas oo ii sahahasy in aan u dhaqmo una fikiro qaab cusub. Mid ka mid ah waxyaabaha aan dib u bartay ayaa ahayd in hadalka wanaagsan ama naxariista leh ay kun jeer qoyskaagu mudan yihiin in kabadan inta ay mudan yihiin dad islaameed ood shalay is barateen. Waxaan marar badan araky in aan aad ugu dabacsanahay dadka islaameed dhanka hadalka sida in aan aad ugu mahadceliyo haday waxa ii samaeeyaan ama abaal ii galaan. Halka aan kuwa ila dhashay anan uga mahadcelin marka ay wax ii sameeyaan waayo waxaan aaminsanahay in ay waajib kooda uun gudanayeen, taas oo dabcan ah khalad waayo cidna waajib uga ma dhigin in ay ii asxaan falaan. Marka sababtaa darteed ayaan dabeecad cusub hada dib u abuuray taa oo ah ina aan isku dayo in aan qoyskaga qasatan walaalahay iyo waalidkay aan hadal ahaan ugu cabbiro abaalka aan u hayo, kuna dadaalo in aan si joogto ah ugu mahadnaqo.


Qaybta ugu danbaysa su’aashan oo ah waxa aan joojiyay inaan sii wado (unlearn) ayaa inta ugu badan ku aadan inaan joojiyay cabsida aan ka cabsanayo xugminta dadka ay i xugmin doonaan. Maadama aan joojiyay cabsidaa ayaan hada ku dhiiraday samaynta waxa yaabo aan ka cabsan jiray in aan sameeyo. Qaybaha kala duwan ee aan ku dhiirtay hada waxaa ka mid ah in aan fikir ku darsashada kooxo kala duwan een qayb ka ahay anigoon cid gaar ah ka baqanayn in ay i xugmiso iyo in aan xiisada dhexdeeda gacanta taago markaan wax fahmi waayo anigoo aan ka cabsanayn ardaydayda boqolka kor u dhaafaya ee xiisad ku jira.


Waxaa dhacda habeenada qaar een ka jawaabayo su’aashan in aysan aad u mugwaynayn waxyaabaha ii kordhay maalintaa balse hal mid ayaa hubaal ah, in aan horumar joogto ah samaynayo kaa oo ah abuurashada dabeecad/caado ah in aan maalintayda gudaheeda aan xaadir ahay si aan u ururiyo waxii maalintaas ii kordhay ha waynaadaan ama ha yaraadaan.


Ugu danbayntii waxaan qoraalkayga ku soo af-meerayaa oraah cajiib ah oo uu leeyahay Qoraa, ganacsade iyo cilmi baare Alvin Toffler, oraahdaa oo tiraahda “Qarniga 21-aad kan ummugiga ahi ma’ahan midka aan waxba akhrin ama qorin ee waa kan aan wax cusub baran karin, dibna wax u baran karin sidoo kalena aan joojin karin barashada wax aan anfacayn”

1 opmerking


Mahad Keska
Mahad Keska
20 mrt. 2022

Wallee dad badanaa is ogeen marka, awalba inta wx barataa iska yareed, haddise qaringaan lagu qiimeeyo, waxbahay aan wada noqon doonaa😄😄

Like
bottom of page