top of page

Maxaa ka mid ahaay hadafyadaadii sannadkan 2021-da? Imisa ka mid ah ayaad ku dhaqaaqday?



Waxaa hubaal ah in sannadkan bishiisii koowaad aan dhamaanteen qoranay ama aan ku fikirnay hadafyada aan rajaynayno inaan gaarno sannadkan dhamaadkiisa haduu Eebe ka raali noqdo. Hadaba su’aal mudan in lays waydiiyo ayaa ah, imisa ayaan u jiraa gaarida hadafyadaydiii aan doonayay inaan gaaro sannadkan?

Waxaa hubaal ah markaas in ay aniga iyo adigaba inoo soo baxayso jawaab ku dhawaad ama isku celcelis sheegi karta in waxaan ku haminayaynay ay bishaaradoodii dhawdahay iyo in ay tahay in aan fadhiga ka kacno oon u dedaalno si dii aan ugu dhawaan lahayn guulaheena.


Qofbaa gaaray guul uu u soo dedaalay markaad maqashid maxaa ku soo dhaca maskaxdaada? Ma in qofku reer yeeshay, guri iibsaday ama uu jaamacad ka qalin jabiyay? Kolay jawaab sax ama qalad aha ma jirto ayaan aaminsanahay, waayo waxa qof guul u ah waxaa laga yaabaa in aysan u ahayn guul lamid ah qofka kale. Waxaa jira qoraaa swedish aha oo la yiraahdo Mikael Andersson oo lugo iyo gacmo midna aan lahayn, buug uu qoray oo ka mid ah buugta iigu saamaynta badan intaan buug aqriyay oo la yiraahdo” Armlös, benlös men inte hopplös” oo micneheedu yahay “Gacmo laawe, luga laawe balse aan rajo laawe ahayn”. Buugaas ayuu Mikael ku falaqeeyay guulo kala duwan oo uu gaaray nolashiisa. Waxaa ka mid ahaay guulihiisa, in uu shaqo caadiya helay (shaqo dadka aan naafada ahayn luugu talo galay), sharciga baabuur wedista qaatay iyo weliba in uu xaas lixdeeda lixaad leh guursaday. Intaa waxaa u sii dheer in uu caruur aan naafo ahayn uu dhalay balse in guulahaas oo dhan ay jirto guul uu gaaray oo asaga ahaan uga wayn guulahaha kale dhamaantood. Ma qiyaasi kartaa waxa ay noqon karto Guusha intaa oo guulood uga wayn qoraaga?


Mid kale maahan, wuxuu ku xusay buugiisa in ay guushaas ahayd in uu “ keligiis galo musqulaha cid walba u furan(Guud) kaaliyihiisa la’aantiis kadibna uu xaajadiisa isagu iska soo nadiifiayay” Wuxuu ku daray in uusan dareenka uu maalintaas dareemay aysan jirin erayo uu ku cabiri karo balse uu oran lahaa wuxuu dareemay “Xoriyad”. Marka halkaa waxaan ka dheehan karnaa in guul kasta wayninkeedu ay la' egtahay inta uu ka dhigo qofka raba in uu gaaro. Haduu wayneeyo inay u wayn tahay isaga , haduu yaraystana in ay u yaryahay isaga uun.


Marka, muhiimadu waa in ay hadafyadaadu agtaada kala ekaan karaan intaad adigu u aragtid ood ka dhigatid ee aysan muhiim ahayn in dadka kale la waynaadaan ama la yaraadaan. Taada ayaa ugu muhiimsan, taada ayaadna gaari kartaa weliba laga yaabaa inay adiga xoriyadaadii noqoto.

Aniga waxaan guul u arkaa hadaf iyo ficil kasta oo aan aragti, aqoon iyo dareenkaygi shalay mid ka wanaagsan isiin kara maanta. Si aan guulahaas u gaaro ayaan hadafyo qortay sannadkan 2021-da bilawgiisi.


Hadafyadaydu waa dhawr balse 2-hadaf oo ka mid ah ayaan halkaan kugula wadaagayaa iyo waliba halka ay ii marayaan.

1. Hadafkayga ugu horeeya: In aan toosiyo qaab fadhiga jirkayga (posture) sabab caafimaad iyo calmasho darteedba. Weligay waan dhaliilsanaa qaab fadhiga jirkayga, waxaan arkayay in markaan waxa aqrinayo ama kursi ku fadhiyo aaan sida qof goobo leh u fadhiyo. Qaab fadhigaygaas ma uusan sababin keliya in uu qaab fadhiga jirgayga qurxoonanayn ee waxay ii keentay garbo iyo qoor xanuun ba’an oo aan dhararo in aan ka kaco kursiga iyo miiska wax aqriska. Hadaba si aan u bedolo wax yaabo badan ayaan isku deyay sannadadii hore, inkastoo aan ku fashilmay qaar badan oo ay ka mid ahayd, in aan soo iibsaday suun luugu talo galay in uu gerbaha gadaal u celiyo balse xanuun uu igu dilay dartiis aan tuuray ugu danbayntii HAHA. Sannadkan bilawgiisii ayan waxaan bilaabay tababaro luugu talo galay in lagu saxo hab fadhiga jirka iyo weliba in aan ku qasbo jirka in aan si toosan u fadhiisto markaan kursi ku fadhiyo. Hadaba, sadex bilood kadib natiijo iyo cashar ba wan ka hayaa balse qoraal kalaan idinkula wadaagi doonaa insha Allah.


2. Waxa sidoo kale ii qornayd in aan ku hadalka luuqada ingriiska aan saro qaado si aan siwacan oo dhagahaygu u bogayaan weliba kalsooni ku dheehantahay aan ugu hadlo. Hadaba bishii 3-aad ee sannadka 2021-da miyaan ugu hadlayaa sidii aan rabay ama si u dhaw? Nasiib daro jawaabtu waa maya. Waayo? Aniga ayaa ka gaabiyay xaga dedaalka iyo ku dhaqanka hadafkayga. Sababo badan ayaa ka danbeeya in aaanan weli ku guulaysan samayntiisa hadafkan oo ay ugu wayn tahay “Wakhti yari” inkastoo hadana aan niyada ka ogahay in wax aan jeclahay ama aan aad ugu dhaarsanahay in aan gaaro aanan sinaba wakhti ugu wayn karin. Hadaba sadex bilood kadib ayaan hadana hilaygayga guranayaa oon isku deyayaa in aan ka faaidaysto 9-ka bilood oo sannaka ka hartay. Dib ayaan idinkula soo wedaagi doonaa siduu noqdo dedaalka hadakaygan luuqad horumarinta ah insha Allah.


Maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd Caano daatay dabadood la qabay ee hadii sadex bilood inaga baxsatay aan dabo qabano 9-ka bilood ee sannadkan inooga haray haduu Eebe idmo.


bottom of page