top of page

Ma u baahanahay dhiirrigalin?



Maadama uu Alle ku beeray Aadanaha baahiyo kala duwan oo uu markasta doonayo inuu iska haqabtiro, ayayna marknaba ka marnayn dhiirrigalinta si uu isaga haqabtiro baahiyadaas. Waxaan aaminsanahay in dhiirrigalintu ay tahay shidaalka dhaqaajiya aadanaha si uu u gaaro hadafyadiisa.


Hadaba dhiirrgalinta waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo waa wayn, kadiban waxaa labadaa qaybood ee waayayn hoos taga qaybo yar-yar oo aad u faran badan. Dhiirrigalinta qaybteeda 1.aad waxaa loo yaqaanaa dhiirrigalinta gudaha (Internal motivation), dhiirrigalintaan oo ka soo go’da qofka gudihiisa. Sababta loogu magacaabo dhiirrigalinta gudhaha ayaa ah in qofku waxa uu qabanayo in uu san u qabanayn in laga rabo, ee ay tahay mid asaga uun ka soo go’do. Tusaale ahaan in qofku naftiisa hormariyo xiliga firaaqada uu yahay taas oo aan waajibka ku ahayn, balse uu xiiso iyo madadaalo uu u samaynayo. Qaybtaan qofku hadafka uu rabo iskii ayuu ugu shaqaysanayaa ayadoon cid riixaysa ama abaal marinaysa aysan jirin markuu gaaro hadafkiisa. Dhiirrigalinta qaybteeda 2.aad ayaa ah dhiirrigalinta dibada ah (External motivation), dhiirrigalintan waxay ku salaysan tahay abaal marin sida mushaar, hadiyad iyo amaan. Markasta uu qofku hawl qabto wuxuu ku xisaabtamayaa in uu shaqada u qabto sida ugu qurxoon ama uga dhaqsiyaha badan si uu u helo abaal marintiisa. Hadii abaal marinadaan la waayo waxaa sidoo kale la waynayaa wax qabadkii qofka, waayo shidaalkii dhaqaajin lahaa ayaa la la’yahay taas oo keenaysa in qofkii hawsha qaban jiray uu gabo hawshiisii.

Dhiirrigalintu waa mid aan anigu u baahanahay sidaa darteed waxaan isticmaalaa shidaalo badan si aan u shaqeeyo dhanka wax barashada iyo dhanka noloshayda gaarka aha. Maadama aan ardayad ahay waxaan inta uga badan dul fadhiyaa laptop-ka kaas oon cashar ku qorayo ama ka aqrinayo. Hadaba xeelado kala duwan ayaan adeegsadaa si aan u fuliyo hawlaha ii yaala, marka mid ka mid ah ayaan kula wadaagayaa.


Aniga shaqsiyan waxaan dhiirrigalin ahaan u isticmaalaa qoraalo aan meelo kala duwan ka soo qaatay kadibna sawirk ku haboon ku dul qoray sida sawirka kor ku xusan. Sawrikan waxaan sameeyay sannadkan 2021-ga bilawgiisii waxanan oran karaa dhawr siyaabood ayaan uga faaiday, qoraaladuna ii dhiiri galiyeen.


Mida ugu horaysa subax kasta markaan laptop-ka furo sawrikan ayaa ishaydu ku dhacadaa kadibna waxaan ku bilaabaa magaca Alle oo qoraalka ugu sareeya. Ileen wixii bisinka lagu bilaabaa baraka yeeshee. Xasuusin wanaagsan ayay taas ii noqotay.

Intaa waxaa ii xiga in hadba saan dareemayo aan qoraal igu haboon ka dhex raadsado qoraalada sawrika ku dul qoran. Tusaale ahaan hadaan dareemayo in culays ku aadan cashar ama arin kale oo igu soo kortay in aan is waydiiyo sida qoraalka ku xusan “Waa maxay waxa aad ka dhigayid culays aan la qaadikarin balse xaqiiq ahaan aan sidaa u cuslayn”, intaa kadib culayska ayaa iga yara dega.


Waxaan sidoo kale isha ku iloobaa oraahda ah “Wax kasta waad awoodaa laakiin waqti ma u samaysay?” markasta oon arko in ay ii taalo hawl balse aan is leeyahy ma awoodid. Oraahdaan waxay iga saartaa ka shakinta aan ka shakinayo awoodayda wax qabad.

Xilliyada aan imtixaano ama hawl aan qabtay aan natiijadeeda ka walwalyo waxaan isha siiyaa korna isugu aqriyaa “Maahan shaqadaydu inaan qiimeeyo shaqadayda ee waxay shaqadaydu tahay abuurka, galinta naftaydoo dhan qabashada shaqadaas iyo weliba in aan ku taqasuuso farsamadayda intii karaaankayga ah.


Waxaa kaloo ka mid ah oraaada soomaaliyeed “Naag nool” een kala haray walaashay Hodan Naaleeye jannadii fardawso alla ka waraabiyo. Oraahdaan waxaan ku jeclahay aayaa ah in aya siyaabo badan ii leedahay wax kasta oo ku soo maray, ku haysta hada ama kuu soo socda ka ahoow naaga nool oo ka noolaata intaa oo dhanba. Marka waa oraah igu qaali ah.


Ugu danbayntii waxaan isha mariyaa marka ugu danbaysa een laptop-ka iska xirayo oraahda ah” Aakhirana u shaqayso” taas oo ii ah xasuusin in aanan maalintii iyo habeenkii oo dhan aanan adduunyo uun aanan cayrsan ee aan aakhiro na u shaqaysto, ileen ayadaa halka rasmiga ah ehee.


FG: Qoraalada intooda badan waxaan ka helay warqado isbuucle ah oo ay soo diraan James Clear iyo Ali Abdaal.

bottom of page