top of page

Ma ogtahay in aad adigu go’aamiso?


Koox aan ka tirsanahay oo lagu hormariyo fagaaro kahadalka iyo xirfada is gaarsiinta iyo la dhaqanka dadka ayaan dhawr mar oo hore kasoo jeediyay mawduucyo kala duwan. Isbuuc walba maalintiisa sabtida ah ayaa 2-4 qof oo kal aduwan soo jeediyaan mawduucyo ay soo diyaariyeen.


Hadaba waxaan axadii lasoo dhaafay ee 10 oktober isku qoray inaan soo jeedin doono mawduuc sabtida oo taarikhdu ay noqonayso 16 oktober. Mawduuca waxaan ku soo jeedinayaa luuqada ingriiska, waqtiga luugu talo galayna wuxuu u dhaxeeyaa 5-7 daqiiqo. Waxaan aad uga dharagsanaa in isbuucan aan mawduuca isku qoray ay hawlo kaloo badan ii yaalaan sida in aan jaamaca cashar koox lagu soo jeedinayo leeyahay, sidoo kole waxaa ii dheeraa shaqo. Intaa anoo og ayaan hadana soo qaatay masuuliyadii. Sheeko waxay saas ahaataba waxaa bilaawday isbuucii hadaba dhinac u orad iyo hawlo waxaan ku sii jeedaba waxaan arkay ayadoo maalintu arbaco tahay welina annan wax ka qorin mawduucii, diyaarintiisaba daayee. Waatan hayaayda guray, una degday inaan mawduucaan doortay wax ka qoro. Qoraalkii wax yar baan qoray maalintaa kadibna dib ayaan ugu laabtay casharadaydi jamacada iyo shaqada. Hadaba maalintii jimcaad ayaa iskeentay, nasiib wanaag qoraalkii wuu dhamaystiran yahay madama aan qamiistii dib ugu laabtay balse waxaan is waydiinayay sideen ku xifdin doonaa qoraalkan dhirirka badan?


Malintii jimcada waxaan ka qayb galay cashar soo jeedintii la xariirta jaamacada, markaan kasoo baxayna waxaan galay shaqo. Hawlahaygii waxay ii dhamaadeen markay saacadu ahayd 15 galabnimo, halkaa ayaan qolkaan jaamacada ka fadhiyay hadba dhinac eegay. War yaa Muslim ah?Waxaan sideen berri usoo jeedin?


Waxaa igu soo dhacay oraah aan maqli jiray oo uu leeyahay Henry Ford oo tiraahda “ Hadaad aaminsantahay inaad awoodo ama aad aaminsantahay in aadan awoodin, run ahaantii labadaba waad ku saxantahy “ Oraahdaan oo caan ku ah in habfikirka qofku yahay waxa go’aansada sida uu xaalad soo wajahday u xalin karo. Hadii uu qofku u fikiro in uu xalin karo xaaladaas, wuu xalinayaa. Halka haduu ku fikiro in uusan sinaba u xalin karin xaalada soo wajahday uu ku guul daraysanyo xalinteeda. Sababtaas ayuu Henry ford u yiri labadaan hab firkir midkaad aaminto waad ku saxantahay waayo sidaad ugu fakaratay uun ayay natiijadu noqonaysaa.

Galabnimadii jimcaad ayaan tababarkii iyo ku celceliskii qoraalka bilaabay ilaa aan ku qorax dhacsaday jaamaca. Waxaan imid guriga, cambaar iska nastay kadibna dib u bilaabay tababarkii mawduuca. Waxaan la raftaba aqriskii waxaan ka seexday anigoo is leh hada xoogaa carabku wuu la qabsaday markay saacadu ahayd 22 habeenimo. Halkaa ugama harin ee sideedii aroornimo ayaan u soo kacay oo aan ku celceliskii sii waday. Alla maxay dhib badan tahay markaad luuqad aadan u dhalan wax ku soo jeedinaysid. Yaana war ku gu daalinee waa lagaaray saacadii soo jeedinta oo ahyd 15 galabnimo. Cabsi badan iyo amaad wax iloowdaa waxaan is iraahdaba waxaa la gaaray markaygii.


Soo jeedintaydii waan ku guulaystay Alxamdullilah, weliba waxaaba ka roonan marar badan oon mawduuca diyaarinayay dhawr maalin. Aadban ugu faraxay in waqtigii yaraa aan ku diyaariyay mawduucaygii kuna soo jeediyay, weliba ku guulaystay “Soo jeediyaha maalinta”. Waxaan oran kara labaan ka bartay mawduucan ku rafaaday isbuucan.


1) In hawsha aad aaminto inay qaadanayso sadex sanno ay sadex sanno qaadanayso, mida aad aaminto in ay qaadanayso sadex bilood ay sadex bilood qaadanayso. Halka hawsha aad aaminto in ay qaadanayo 3 saacadood ay sadex saacadood uun qaadanayso. Marka hawsha maahan waxa u baahan qabashada ee waa hab fikrika kugu jira, waayo hab fikirkaas ayaa hawsha waqtigeeda gaabin kara ama dheerayn kara. Marka adigay kugu xiran tahay waxaad aaminayso iyo waqtiga intaad ka dhiganayso.


2) In markasta aysan muhiimadu ahayn “Guusha” ee ay tahay “Gaadhida”, waayo hadaad wax kasto ka eegto xagasha guusha uun waxaa dhacaya in aadan hawlo badan qaban adigoo is leh amaad ku guul daraysataa. Halka hadaad xagasaha gaadhida wax ka eegto aad hawlo fara badan qabanayso kuwaas oo ay xaqiiq tahay in in badan oo kamid ah aad ku guulaysanayso. Marka mar walba muhiimada sii in aad guusha “Gaadho” taas oo lagu gaari karo dadaal iyo samayn.


Ugu danbaytii waxaan kusoo afmeerayaa qoraalkayga dardaaran naftayda iyo taadaba ku socda “ka war qab hab fikirkgaa waayo ma go’aamiyo kaliya hawl qabadkaaga ee wuxuu kaloo go’aamiyaa muddada aad ku qabanayso hawsha kuu taala”.

bottom of page