top of page

Ma jiraan wax ku saabsan naftaada ood u xiistay?

Fasaxa maalmaha sabtida iyo axada ayaan waxaan fasax buuxa ka qaataa wax aqriska ku aadan jaamacada. Labadaan maalmood waxaan sameeyaa wax yaabo ka duwan waxaan sameeyo shanta maalmood ee aan aadayo jaamacada. Hadba waqtiyadee fasax leedahay addigu, maxaadna qabataa waqtiyadaas?


Tan ugu wayn ee aan sameeyo waa nasiino, oo maskaxda iyo jirkaba waan nasiyaa. Sababta ugu wayna waa in aanan inta ugu badan nasiino dheer qaadan maalmaha shaqada iyo waxbarashada. Hadaba intaa waxaa ii dheer in labada maalmood ee fasaxa aan daawado Musasalo, muuqaalo Youtubka ku jira iyo in aan baraha bulsahda indha indheeyo. Waxaa dhacday muuqaal aan daawaday sabtidii in uu aad ii taabtay waayo muuqaalkaas wuxuu xambaarsanaa dareemo kala duwan oo qurux badan. Marka waxaan go'aansaday in aan kula wadaago.


Waxaan daawaday muuqaal ay samaysay gabar lagu magacaabo Thoraya oo dhanka Youtubka ku leh channell wayn. Thoraya waxay su’aalo kala duwan waydiisaa dad waynaha maraya jidka ay maalintaas dhigato kaamirada ay wax ku duubayso, kadibna waxay soo dhigtaa barteeda Youtubka muuqaalkii iyo jawaabtii dadkaas. Shalay oo sabti ahayd waxay soo dhigtay muuqaalka aadka ii taabtay oo ay waydiinayso dad kala duwan su’aal aanan waayahanba is waydiin. Su’aashu waxay ahayd ”What do you miss most about yourself?”. Su’aashan dadkii ay waydiisay waxay uga jawaabeen si yaabo kala duwan hase yeeshee jawaab kasta dhankeeda ayay kuu taabanaysaa. Hadaba aan adiga ku waydiiyee “Ma jiraan wax ku saabsan naftaada ood u xiistay?”. Inta aad jawaabtaada xasuusanayso aan kula wadaago tayda.



Anniga shaqsiyan sida uu muuqaalka Thoraya wiil ku jira uu ka dhawaajiyay waxaan u xiisay u fikirida, u noolaashada iyo u dhaqmida sida caruurta oo kale. Hadaan sii macneeyo waxaan kala jeedo, marka aad caruur camal u fakarayso addunyada wax badan kama ogid sidaa darteed ayay adduunyada iyo dadka ku nool ba kula qurxbadanyihiin, weliba u malaysaa in ay kuligood yihiin kuwo aan wax dhibaato ah lahayn. Taas oon oran karo waa bilcagsiga xaqiiqda aan ku noolnahay. Maanta waxaan ku nool nahay adduunyo aad uga badalan tiii aan ku noolayn markaan yarayn. Waxaa intaa inoo dheer masuuliyado badan oo dhinacyo kala duwan kaaga imaanaya, ayna tahay in aad iska tiiriso. Sidaa darteed marnaba ma soconayso in caruur camal aan u dhaqano ama aan u fakarno. Balse anniga ahaan waan u xiisay garbihii culaysku uu ka marnaa ee khafiifka ahaay, maskaxdii cayaar iyo asxaab la baashaal maahanee wax kale ay ka marnaayeen. Qalad samayntiii aan laguu colaadinayn iyo caashaqidii aan calafka lahayn. Iyo weliba kufidii aan qosalka lahayn.


Marka waxan hada is waydiinayaa maxaa diiday in qodobadaan noqdaan kuwa caadi ka ah sidoo kale nolosha dadka waawayn? Ileen qof kasta wuu u baahan yahay noloshii caruurnimada oo kale ee macaanka iyo qosalka miiran ahayd. Miyaysan ahayn?

bottom of page