top of page

Ku hor mari ku hadalka luuqad kasta talaabooyin kan shanta ah


Xaqiiqdii waxaa nimco ah in sannkan bishiisii sagaalaad uu Alle nabad igu soo gaarsiiyay, hadana waxaa si uga naxayaa in ay bishaan micneheedu tahay in sadex bilood uun ay sannadka dhamaadkiisi ka hartay. Hadaba waxaa lagama maar-maan ah in bilihii tegay dib aad u eegto si aad u qiimayso wixii aad haleeshay qabashadooda iyo intii aad ku guulaysatay. Waxaan hubaal ah in ay inoo soo baxayso labo jawaabood midkood. Jawaabta koowaad, mid inoo hambalyaynasa madama aan ku guulaysanay qabashada hadafkaan doonaynay. Jawaabta labaad, mid ina xanuujinaysa madama aysan inoo hirgelin qabashada waxaan doonayanay inaan qabano. Jawaab kasta oo kuu soo baxdo ogoow weli sadex bilood oo dhan ayaa ka hartay sannadka, bilahaas ood xaqiiqdii ay hubaal tahay inaad wax wayn ku bedeli kartid.


Hadaba markaan annigu dib u eegay bilihii tegay iyo waxaan kala haray wax yaabo badan ayaa iiga soo baxay. Waxaan kula wedaagayaa jawaab ku aadan hadaf aan ku guulaystay qabashadiisa Alxamdullilah. Hadafkaas oo ah ku hadalka luuqada ingriiska taas oon bishii maarso (March) aan ka qoray maqaal ku aadan in aan ka gaabiyay fulintiisa. Balse hada shan billood ka dib aan aad ugu faraxsanahay ka miran dhalintiisa. Shantaas bilood sadex billood oo ka mid ah ayaan joogteeyay ku hadalka ingriiska maalin kasta xitaa haday 15-daqiiqo tahay.


Waxaan kula wadaagayaa 5-talaabooyin oo ii sahlay inaan ku guulaysto ku hadalka ingriiska.


1) Marka hore imtixaan naftaaada adigoo doonaya inaad ogaato inta aad ka taqaan luuqada iyo qaab hadalkaaga. Siyaabo badan ayaad ku ogaan kartaa isku celcelin inta eray eed ka taqaan iyo sidaad ugu dhawaaqdid erayadaas. Qaab aan annigu isticmaalay ayaa ahaay inaan go’aan saday inaan 30 beri oo xariir ah muuqaal hadal ah iska duubo . Waxaan ku guulaystay inaan 29 maalmood isku xijiyo, hal maalina ayaa iga fakatay oon subaxii ku xigay anoo cadayanaya isla markaana muraayada iska daawanaya aan xasuustay inaan iloobey inaan isduubo. Feecneedaa inaad wejigayga siduu isku bedalay naxdin darteed arki lahayd KKKKK. Daawashada muuqaaladii aan iska duubay waxay ii sahleen inaan ogaado erayada aan qalad ugu dhawaaqayo, kuwa aan u baaahday oon garan waayay iyo weliba kuwo aan meel aan ku haboonayn u isticmaalay inaan arko. Marka adiga ayaa macalin isku noqonaya markaad dib isku daawanaysid/dhagaysanaysid.


2) Ku tuur nafsadaada xaalad aad ku qasban tahay inaad ku hadasho luuqada aad danaynayso barashadeeda. Annigu waxaan ku biiray urur Online ah oo lagu barto Fagaaro ka hadalka kuwaas oo luuqada ingriiska kaliya looga hadlo. Taas oo keentay si kasta oo xirfadayda hadalka u liidatay inaan ku qasbanaay inaan ku hadlo luuqada maadama aysan hadii kale xabad iga fahmayn xubnaha ururku. Qaabkaan oon ku qeexi lahaa maam-maah iswiidhish ah oo micnaheedu noqonayo “ Isku tuur biyo aad u qoto dheer waxaa hubaal ah in aad bilaabaysi dabaalasho” taas oon ula jeedo isku tuur xaalad kugu cusub ama kugu adag waxaad bilaabi doontaa inaad maaraysid.


3) Samee tababar maalin leh ah, adigoo la taba babaranayo dad ku hadla luuqada aad danaynayso inaad hormariso. Sidii aan maqaalkii bishii hore ku xusay annigu waxaan si joogto ah ula taba baranayay dad u dhashay wadamo kala duwan kuwaas oo dhamaan u jeedadoodu tahay hormarinta ku hadalka ingriiska. Marka raadso dad kula dan ah.


4) Marnaba waligaa ha ka xishoon qaab hadalkaaga luuqadeed iyo intuu heerkaaga luuqadeed gaarsiisanyahay. Waxaa xaqiiq ah in maanta halka qofku uu joogo uu berri ka sii saro mari karo. Marka weligaa ha is tusin shayga luuqad ceebsiga la yiraahdo. Markasta ood dareentid ceeb ku aadan luuqad ku hadal xasuuso oraah dii ahayd “ Labo qof wax ma bartaan, qof kibir badan iyo qof xishood badan ba”.


5) Samayso qorshe iyo jadwal aad ku dhaqantid markasta. Aniggu waxaan samaystaa qorshe ku aadan waxaan rabo inaan xooga saaro kadibna waxaan ku xijiyaa jadwal. Jawdalkaygu waa labo mid isbuuca oo dhan ah iyo mid maalin leh ah oon maalin kasta habeenkeeda intaanan seexan aan qoro. Dhaqankaan qorshaha iyo jadwalka ayaa ii sahla samaynta waxaan doonayo inaan sameeyo maalintayda hadii kale maba ogi inaan sameeyay iyo in kale. Hadaba muhiimada qorshaha iyo jadwalku leeyahay waxaan ku xoojinayaa oraah ingriisk ah oo uu leeyahay Peter Turla oo oranaysa “A plan is what, a schedule is when. It takes both a plan and a schedule to get things done.”


5-tan talaabo aadbay anniga ii anfacdeen marka adna ku tijaabi luuqad aad danaynayso ku hadalkeeda iyo hormarinteeda. Waxaana rajaynayaa in aad natiijo ku arki doontid sadex bilood gudahooda Idam Alle.

bottom of page