top of page

Ka dhig fasaxaaga xagaaga (summer) mid lama ilaawaan ah

Qof kasta oo naga mid ah wuxuu jecelyahay in uu yeesho caadooyin (habits) wax tar u leh naftiisa hase ahaatee ma sahlana in caadooyinkaas la abuuro xili kasta. Waxaan annigu ogaaday xilliga ugu wanaagsan ee dhaqan cusub qofku abuuran karo in ay tahay xilliga fasaxa uu yahay qofku, qaasatan xagaaga ama summer time. Waxaan Alle mahadii ku guulaystay 4 tii sanno oo ugu danbaysay inaan sannadkasta, fasaxa xagaaga caado cusub ku biiriyo naftayda. Caadooyinkaas oo dabcan faaidooyin badan oo kala duwan aan ka helay. Waxaa sidoo kale ii fududaa inaan sii wato xagaaga ka dib caadooyinkaas maadama aan xili ii fudud aan abuuray. Marka waxaan kula wadaagayaa 5 dabeecad oo faaido badan ood summer kan aad adna naftaada ku biirin karto .



1) Dabeecada ugu horaysa ee liiskan ayaa ah in waqti feecan qofku seexdo asagoo uga dan leh in uu arootii tooso. Hore u seexashadu waa mida go’aamisa in aroor hore aad toostid iyo in kale. Annigu shaqsiyan waxaa ila adag aroor toosida marka waxaan ku dedaalaa in xiliba xiliga uu ka horeeyo inaan hore u seexdo si aan anoo hurdo bogay u soo tooso subaxii. Dabeecadan labada qaby ka kooban ayaa ah mid ku anfacaysa xili kasta qaasatan xiliyada waxbarashda iyo shaqada. Taa waxaa u dheer hadaad dabeecadaan leedahay waxaa kuu fududaanaya afarta dabeecad ee soo socda sidaan aaminsanahay annigu.


2) Jimicsigu waa lagama maarmaan. Dabeecadan labaad ee aad fasaxa abuuran karto ayaa ah in aad bilaawdo jimicsiga jirka. Jimicsigu dhawr qaybood ayuu u kala baxaa oo khasab maaha in markasta jimicsiga ujeedadiisu kaliya tahay cayil iska rid ama is cayilin. Hadaba jimicsiga jirka qofku wuxuu uga faaidaysan karaa si uu firfircooni u helo dhanka jirka ah taas oo saamayn wayn ku samaynaysa tan maskaxda iyo weliba qofka xaaladiisa caafimaad.Maadama uu maalintuu jimicsi sameeyo qofku ka firfircoonyahay maalmaha kale. Goobaha jimicsiga haduusan qofku awoodin waxaa hada si fudud looga heli karaa aalada internetka jimicsiyo loogu talo galay guriga in lagu sameeyo. Sababta ugu wayn een annigu ku doortay jimicsiga jirka sannad kahor ayaa ahayd in “Jimicsigu” yahay halka wax oo kaliya een jirkayga u sameeeyo halka jirku yahay midka aan hadwalba ku shaqaysto oo hawlahayga ku fulisto. Marka miyawsan jirkaagu xaq u lahayn waqti u gaar ah ood asaga uun wax u samaynayo si uu waayo badan u sii shaqeeyo.


3) Bilaaw xasuus qor ama journaling waxa loo yaqaano. Buugaas ood dooran karto inaad qorto maalin,isbuuc ama bil kasta. Hadba sidaad fursad iyo niyad u hayso adigoo u eegaya. Faadida ugu wayn een annigu shaqsi ahaan ka helay qorida xasuus qorka mudo kabadan 5 sanno ayaa ah in aan sannad kasta aan dareenkaga farxadeed, murugeed, naxdineed iyo weliba kuwo kaloo badan aan ku guulaysto inaan ayagoo waxba laga bedelin ku xuso qoraal ahaan. Qoraaladaas oon dib ugu laaban karo xiligaan doono si aan tusaale ahaan naftayda u tuso wax aan 3 sanno ka hor caqabad wayn u arkayay inaan soo gudbay, dabacan tan maantana aan gudbi karo. Waxaa sidoo kale barnayasaa naftaada iyo wax yaabaha kala duwan ee noloshaada ka dhacaya waxaad adigu ka qabtid ama ka dareemaysid. Waayo horaa loo yiri “qof kasta way ogaan kartaa waxa noloshaada ka dhacaya balse cid kasta ma ogaan karto arimahaas dhacaya waxaad ka qabto ama ka dareemayso” marka waa fursad aad ku ogaan kartid dareenka dhabta ah ood ka qabtid waxyaabaha noloshaada ka dhacaya.


4) Samee wax kugu cusub oo naftaada la tartan ( Challenge yourself). Ma aaminsani inaan fasax dhab ah qaatay hadaanan baran wax igu cusub fasaxa gudihiisa. Waxaan baranayo qasab maahan inay ahaadaan kuwo waawayn ama yar yar kaliya waxaa ii muhiim ah labo, kow inay igu cusub yihiin, labo in ay si uun ii anfici doonaan mar uun noloshayda. Sannadkii 2018 oo ahaa markaan bilaabay inaan sannad kasta xiligiisa fasaxa ah wax cusub barto ayaan bilaabay inaan barto sida loo type gareeyo ayadoo la eegayn keyboard ga. Alxamdulliah bil iyo bar ayaan maalin kasta wax ka yar saacad ku tabo baran jiray garaacida keyboard ka. Waxan xasuustaa markaan dib iskuulka ugu laabtay inaan ka shukrinayay barashadeeda maadama ay wax ku qorida loptop ka ay noqotay mid aan aad ula dhacay oon markasta sameeyo. Marka dooro wax aad jeclaan lahayd inaad barato maalin uun intay rabaan ha la ekaadaanee.


5) Yeelo caado aqris. Waxa aad u fudud abuurida caado aqris xiliga aad fasaxa tahay waayo waxaad haysaa wakhti badan, kuuna saamaxaya inaad maalintii ugu yaraan saacad wax aqriso. Si ay caado fudud kuugu noqoto oodan cuslaysanayn ku bilaaw aqriska buugaag ku saabsan mawduucyo aad xiisaynayo. Annigu waxaan jeclahay buugaagta ka hadlaya hormarinta nafta iyo kuwa cilmi nafsiga, kuwaas ayaan wakhtiga inta ugu bdan aqriyaa. Markaan buugtaas aqrinayo maba dareemo aqrintooda. Marka waa muhiim inaad aqriso waxaad xiisaynayo.


Shantan caado waa kuwo anigga shaqsi ahaan aan tijaabiyay wakhtiyo aan fasax ahaay, aadna ii anfacay marka waxaan rajaynaa inay wax uun kaa anfacaan adigana. Halkaa ka sii wad shaqada wacan kana dhigo xilli kasta ood sannadka gudihiisa fasax ka tahay mid xasuus gaar ah kuu xambaarsan oo lama iloowaaan ah.


bottom of page