top of page

Hab kuu sahlaya joogtaynta caado cusub


Caawa oo ay taariikhdu ku beegantahy 9/01/2022 ahna habeen axad ah, habeenkaan wuxuu ka dhigan yahay in isbuucii 1.aad ee sannadka uu caawa ku egyahay. Berri waxaa soo galaysa isniin oo ah bilawga isbuuca 2.aad ee sannadkan. Waxaan rajaynaa in sannadku si wacan kuugu bilawday, aadna samaysatay qorshooyin kaagii oo dhan. Anniga weli qoridii “Annuel review” ga ayaan wadaa in kastoon caadooyin cusub oon ku tala jiray aan bilaabay. Qorida qorshooyinka iyo caadooyinka cusub aad bay u fudud dahay balse waxaan markasta arkaa in ay ku dhaqankoodu isla sidaa u sahlanayn. Markawaxaan kula wadaagayaa dhawr talaabo oo la jahaadka ku dhaqanka caadooyinka cusub een abuurto sannad kasta ii sahla.


1) Qorida caado cusub waa mid sahlan waataan hada iri balse waxaan hadana aamin sanahay in ay adagtahay sababtoo ah waa talaabada koowaad ee caado abuurkii. Soomali waxay dhihi jirtay “Halagu xanto, halagu xasuustaa ka horayso”, marka in uu qofku caado abuuro dhaqankeeda waxaa ka horaysa in uu ku baraarugsan yahay rabida caadaas. Qoriduna in kastaysa ficil samayntii caadada oo dhab ah aysan ahayn hadana waa rumaynta qaybteeda ugu horaysa waayo qofku wuxuu si qayaali ah u muunadaysanayaa samaynta ama ku dhaqmida caado.


2) Anniga shaqsiyan markaan rabo in aan la qabsado caado cusub waxaan u qorsheeyaa maalmooyin iyo muddo kooban oon si xariir ah aan u daa’imo ku dhaqanka caadadaas. Hadaan tusaale ahaan hadaan rabo in aan labo rakco oo sun ah aan raacii salaada waajibka ah, u jeedadayduna ay tahay in ay caado ii noqoto waxaan ku bilaabaa in aan 7 maalmood aan daa’mo. Si uu qorshaas u hirgalo waxaan ku qoraa jadwalka isbuucl aha ah oo aan habeen kasta oo axad ah aan qoro. Tusaale ahaan in aan ku qoro, “tuko labo rakc oo suno ah salaad kasta kadib. ” Markuu isbuucu dhamaadana waxaan dib ugu laabtaa jadwalkii kadibna hadaan ku dhaqmay dhaqankii isbuuca dhan waxaan ku hor qoraa ✅ , hadaanan ku guul daraystay joogtayntiii caadadana waxaan ku hor qoraa ❌ iyo sababta. Kadibna waxaan qorsheeyaa inaan muddada dheereeyo sida bil dhamaystiran inan joogteeyo samaynta dabeecadaas cusub anigoo isbuuc kasta labadii calaamodoo ladaba taagan. Arintan waxay ii sahashaa in aan bishu markay dhamaato aan dib u arko inta maalin ee ay ay wax ii suurto galeen.


3) In fikirka dhax mushaaxaya maskaxda aad la socoto ood la jahaado waayo waa hab fikirkaas mid ka go’aamiya samayntaada. Markasta ood wax qabanayso hadaad dhagaystato waxa kaa dhax guuxaya waxaad si cad u arkaysaa dareenkaaga ku aadan hawsha aad qabanayso. Ma dhibsanaysaa qabashada hawsha? Ma kula adagtahay qabashadeedu? Mise waadba u bogaysaa samaynteeda? Sadexdaan su’aalood iyo kumanaal kun oo kale ayaad jawaab u helaysaa hadaad la socoto dareenka fikir ee ku aadan qabashada dabeecadaada cusub. Sababta aad ula soconaysid fikirkaagana waa ina aad la jahaado, caajiska, marmarsiyada la xariira ina aad maalintaas iska dayso inaad qabatid hawsha kuu taal. Waxaa intaa dheer in hadii aad ogtahay dareenkaaga fikir aad kala hortagi kartid jihaad sida inaad is canaanatid, dhiiri galidid iyo weliba in aad is abaal maridid. Anniga shaqsiyan inta ugu badan waxaan isticmaalaa “canaanasha” annigoo siyaabo kala duwan isku canaanta hadaan gafo samaynta hawshayda sida inaan iska ganaaxo inaan madadaalooyinkayga sida daawashada musasal meel dab ah ii marayay oon dhararayay ina aan daawada markaan fursad helo. Sidoo kale waxaan isticmaala “dhiiri galinta” oon isku dheegaa hadaanan samayn hawshayda in aysan caado ahayn ee ay tahay hawl markii ladoono uun la sameeyo.



4) Samaynta ama go’aansashada caado ama dhaqan anniga naftayda ka soo go’day. Waxaan marar badan bilaabay samaynta caadooyin aan anniga iga soo go’in kuwaas oo dabcan aan meel dheer gaarin waayo dareen aadan lahayn laguma socon karo waqti dheer, soomalina horay u tiri “socod aadan lahahyn iyo ... meel dheer kuma geeyaan”. Marka in aad ku dhaqaaqdid arrin adiga aad jeclaysatay samaynteeda waxay kuu sahlaysaa inaad joogtaydo samaynteeda waayo waxaad dhab u ogtahay sababta aad u bilawday. Waxaa sidoo kale dhararaysaa samaynta dabeecada xitaa hadii ay culays kugu tahay waayo dareenka ayaad adigu leedahay, rabitaankaaga ayaana ka wayn culayska qabashada dhaqankaa.


Waxaan caawa ku soo gaba gabaynayaa qoraalkayga in ay caado aan luugu yeeri karin caado hadii la’ waayo joogtaynteeda. Isla markaana wax qabasho nusqaansan in ay kun jeer ka wanaagsan tahay wax qabasho la’aan. Marka ku dhaqaaq daceecad kasta ood u aragto in ay haboontahay in aad yeelato kadibna aamin in muhiimadu aysan ahayn in aad markasta guulaysato ee ay tahay in aad markasta sii wado gaadhista.

bottom of page