top of page

Gorfeynta Buugga ”No time for goodbye” (Majiro wakhti laysku macsalaameeyo)


Wax aqrintu, waxa ay kobcisaa garaadka qofka. Dadkuna waxa ay ku kala duwan yihiin sida qof walbaaa wax u aqriyo una dhuuxo. Hormar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah wax aqrinta. Waxaa muhiim ah in qof kastaa waxa uu aqriyay ka helo nacfi isaga anfacaayo oo uu ka soo dhex shaqshaqday waxa uu aqriyay. Yaana hadal kugu daalin ee kusoo dhawaaw buuga.


Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa gorfayn (falaqayn) kooban oo ku saabsan Buug la yiraahdo “No time for goodbye”,(Majiro wakhti laysku macsalaameeyo) oo uu qoray Linwood Barcaly, lana daabacay 25 sebtember 2007, waxaa daabacay Orion Publishing Group. Buuggan oo far ingriis ku qornaa asalkiisu ayaa lagu turjumay 20 luuqadood, ayna ka mid tahay luuqada swedish ka, ahna taan anig ku akhriyay. Buugga oo luuqada swedishaka ah la jiraahdo “Utan ett ord” (Kalmad la’aan) Waa sheeko faneed mala’awaal ah oo uu qoraagu si aad ah u buun buuniyay si uu xamaasad ama xiiso sare ugu yeelo sheekada.

Musiibooyin kala duwan, haddana kala daran ayaa dunida daafaheeda ka dhaca maalin kasta, musuubooyinkaas mid ka mid ayaa nasiib daro haleeshay gabadha uu buugu ku saabsan yahay oo la jiraahdo Cynthia.Yaa daran, innaad hurdada markaad ka soo toosto, ka war heshid in Addunkii oo dhan ayba dad kugula noolayn iyo in reerkaagii oo dhan aan la garanayn meel ay cirrib iyo jaan dhigeen?. Hadaba, buugu wuxuu ku daah furmayaa Cnytia oo 14 sano jir ah, ka toostay hurdo barqadadeed, isku boobtay dhar, una soo carartay xaggaa iyo jikada kadib markii garatay in saakay schoolkii ka habsaantay. Mise waa jikadii ood ba moodo in aan cidi cagta soo dhigin wali, raashin iyo dhaqdhaqaaq kalena warkiisaba daa. Hadba dhinac ayay u oroday, qolalka jiifka iyo musqulihii soo eeg eegtay kadib sheekadu waxay isugu soo biyo shubatay in Aabaheed, Hooyadeed iyo walaalkeedba la ogayn meel ay cirrib iyo jaan dhigeen, oo mindhaa sidii qiicii ayay cirkaa isu shubeen. Waxaa Cynthia halka uga bilaawday musiibadii ay ka baqayday in badan, Cyntihia waxaa madaxeeda dhex maaxay su’aalo qof kasta is waydiin lahaa oo ay ka mid ahaayeen: “Toloow miyay nool yihiin reerkaygii? Hadayse noolyihiin, sabab ayay iiga tageen anniga, mise cidbaa habeenkii inataan hurdayay nagu soo dheelmatoo dishay dhamaantood anigase i hareer maratay?


Maxaa xalay dhacay taloow”?


Cynthia oo war iyo wacaalba ka helin siday wax u dhaceen ayaa go’aansatay 25 sanno kadib in ay ka qayb gasho barnaamij telefeshinka ka baxa oo laysku dayo kiisaskii xabaalmay oo la xalin kari wayay barri hore uun la iftiimiyo,Cnythia ujeedadeedu kaliya waxay ahayd in ay kiis kii la xalin kari waayay 11 sanno ka hor ay bal bulsahda la wadaagto, lana kaashato si cidii war iyo wacaal ka haysa waxa ku dhacay qoyskeedii habeenkii ay hurdada dheer ku jirtay ay soo wargeliyaan iyada. Waxay Cynthia hadba meel la aado su’aalaheeda jawaab la’aanta ahaa mudo dheer oo ku aadan waxa ku dhacay qoyskeedii oo ay ayada iyo ninkeedii ku sigteen in ay ku kala tagaan maadama ay ayana samri la’dahay asna qaatu ka taagen yahay su’aalahaan aan jawaab loo helayn inay sii bataan mooyee. Hadana nasiib wanaag buuga gabagabadiisa waxay ku guulaysteen Cynthia iyo nikeedii Terry in ay jawaabo u helaan su’aalohoodii waliba ay ogaadeen in aysan reerku sidii qaac oo kale cirka isku shareerin oo ay wax dhaceen habeenkaas, haba noqdaan jawaabuhu kuwo aysan haba yaraatee cisho uun sawiran inay sidaa wax noqon karaan.



3 Qodob ama fariimood aan is iri way ugu mudanyihiin in laga qaato buuuga waa :


1) Ha u arkin reerkaaga ama qofka aad jeceshahay in uu yahay mid waligii jiraya, waayo; markaad u aragto sidaa waxaa yaraanaya in aad ilaashato, u galad hayso iyo waliba in aad Alle wayne uga mahadnaqdo in uu kugu manaystay adiga uun. Arragtidaas ayada ah sidoo kale waxa ay sababtaa in aadan dareensiin dadka aad jeceshahay abaalka aad u hayso iyo waliba in aadan ku oran erayada ay kaa mudan yihiin maadama aad u aragto in ay waligood agtaada uun iska joogi doonaan. Marka, ku baraaruga waxa aad haysato oo Alle adiga uun ku siiyaya intaadan wayn waa muhiim.


2) In aan markasta hadalkeena ugu fiican ku niraahno qoyskeena ama dadka aan jecelnahay, waayo cidna nooma ballan qaadin in aan fursad u helayno “Macsalaamayn” waana waliba qodob aniga Hodan ahaan gaar ii taabanaya kadib markaan ka marag ahaa in Cnythia eraygii ugu dambeeyay ee ay ku tiraah Aaabahed intaysan seexan habeenkii ugu danbaysay uu ahaa “ Inaad iska dhimataan jeclaan lahaa”, eraygaas oo ahaa mid iyada aad u gubay xitaa ayadoo sannado badan ka soo wareegeen musiibadii aan la garanayn oo ku dhacday qoyskeeda. Hadan, tani waxaan oran karaa waa mid aniga iyo adigaba nagu dhici karta maadama markuu qofku xanaaqo uu erayo aan ka dhab ahayn balse dhaawac galinaya isaga iyo qofka kale uu iska soo tuuri karo , sababtaas darteed ayaan jeclaystay inaan nagu baraarujiyo in “Macsalaamayn” meel noo saarnay ayna tahay in aan u fiirsano erayada ugu danbeeya ee dadka aan jeclenahay aan ku oranyno hadwalba.



3) Wax kasta oo dhibaato ah oo qofka soo wejeha in uu dhanka wanaagsan uun ka eego, kana fogaado fikirka ama suuradaynta xun ee shaydanku u qurxiyo taas oo waxba terrin in ay qofka dhaawacdo mooyee. Cyntihia ma aysan sawiran xaalado xun xun ee waxay markasta ku taaagneed in uu qoyskeedii noolyihiin balse sababo ka celinaysa in ay la kulmaan iyada weli ay jiraan. Taasna waxaan oran karaa waa sifo wanaagsan oo qofka Muslimka ah ay muhiimtahay inuu leeyahay waayo waa tuu Alle na yiri “ Waxa aan ahay waxa ay adoomadaydu iga malaystaan”.


Gabagabada, Buuggan waxaan ku boorin lahaa in ay akhristaan cidkasta oo jecel sheekooyinka ay ku jiraan xamaasad, dembi iyo qarsoodi daan-daansanaysa hab xalintaada caqliyeed. Ugu danbayntii waxaan idin leeyahay ogoow hadii aad haysato qosys ama qof ku jecel adna aad jecelshay waxaad la mid tahay qofka haysta waxa ugu qaalisan addunyada oo idil ee sifiican u ilaasho Allena uga mahadnaq.


W/Q Hodan Hilmi

bottom of page