top of page

Dib u booqashii balan aasantay!


Bismilaah

Maanta oo axad ah waxay ahay maalin ka mid ah maalmaha aynu fasaxa nahay inteena qurbo joogta ah. Hadaba maalintaan iyo maalintii ka horayday ayaa ah inta badan maalmo aan ku jiro nasasho iyo hawlo maalmeedka guryaha, sida in aan dhar dhaqayo ama aan guriga hagaajintiisa wax ka caawinayo. Maanta waxay ku beegnayd maalintii guri hagaajinta. Koley intii qabatay hawl guri ayaa garanaysee hawl sahlan maahan balse aniga markasta xiiso ii gaar ah ayay leedahay. Meelo badan oo guriga ka mid ah ayaan soo faagnaa oon isku daynaa inaan kala hagaajino. Maanta mar aan maktabada buugta ku foognaa ayaan waxaan dib u helay dhawr shaway oo dib xasuus ii galiayay.


1) Buuggagtii aan kala shaan dhaynayay ayaa waxaa iiga soo dhex baxday warqad aan daabacay sagaakii May 2016-dii, warqadan ayaan ku xusay 13 buug oon doonayay inaan aqriyo xagaagii (Summer) sannadkaas. Buuggaga aan doonayay in aan aqriyo ayaa ukala baxayayay kuwo Swedish ah iyo kuwo ingriis ah. Sidoo kalena waxay u kala baxayeen kuwo si hufan uga hadlaya hormarinta nafta iyo ganacsiga. Kuwa hormarinta nafta waxaa ka mid ahaa “The power of habit by Charles Ducked iyo Bli en vinnare av Eva Rusz “. Dhanka buugta ganacsiga een aan doonayay in aan aqriyo xiligaas waxaa ka mid ah “The 4 hour work week by Thebiti Fres and Start your own business”. Ma anan ku guulaystan in aan aqriyo dhamaan 13-dan buug een doonayay in aqriyo muddo laga joogo qiyaas ahaan 6 sanno, balse wuxuu Alle i haleeshiiyay inaan aqriyo kaliya labo ka mid ah. Hadaba guul daradu waa meesheeda balse waxaa farxad ii ahaa in aan maanta dib u helay “balantaydii” anigoo weliba ah ardayad aqrisa dhaqaalaha kuna dadaasha markasta in ay hormariso nafteeda. Tani waxay ii noqotay fursad aan dib ugu booqdo balan aan naftadya ka qaaday lix sanno ka hor balse aanan wada oofin taas oo ii gudbinaysa in aan dib dhexda u xirto oon ka dhabeeyo oofinteeda.



2) Waxaan sidoo kale helay buug aan aad u jeclaa waqtigaa oo midabkiisu yahay baluug oon ku qori jiray waxa aan maalintaas samaynayo, ileen waagaas xariifad manan ahayn isticmaasha jadwalka (Calender) Hahaha. Buugaa wuxuu dib ii xasuusiyay amuurahaha maalin laha ah een u arki jiray in aya yihiin kuwo aad u adag waqtigaas balse Alxamdulliah maanta aan u arko in aysan isla sidii waagaas aysan u adkayn.


Helida warqada iyo buug, iyo weliba siday farxad iigu abuureen helidooda ayaan waxaan is waydiiyay toloow lixda sanno oo soo socota hadaan noolahay miyaan sidaan u heli doonaa warqad iyo buug aan maanta qoray? Jawaabtu waa macquul aad u daciif ah, sababtuna mid kale maahan ee waa in maanta waqtiga lagu jiro iyo tiknoolajiga casriga ah dartiis aan 90% waxa aan qoro aan ku qoro kuwo ka mid ah Apps ka kal aduwan eee maanta jira. Haday noqoto jawdalka, qorshooyinka kala duwan ee nolosha iyo weliba xasuus qorka qayb ka mid ah ( Inkastoo xasuus qorka wayn aan buug weli isticmaalo), hadana kama marna in aan aniguna usii guurayo xaga internettka sida caalamka maanta ka jirta. Lixda sanno oo soosocotana Alle un baa og siduu xaal noqon.


Waxaan caawa warqadayda ku dhamaynayaa baryo aan Alle inooga baryayo in uu inoo sahlo in aan noqono kuwo aan ka guurin qabashada qalinka “(Maadama uu Alle na baray sida qalinka wax luugu qoro)”, iyo weliba in uu qalinku xambaarsanyahay shucuurta qoraaga qoray uu dareemayay xilliguu qorayay warqada. Waana sababta aan u jeclahay qorida gacanta inkastay u muuqato in aan u nabaad guurayo dhanka aalada casriga ah.


bottom of page