top of page

Cusaybku waa darajo mustaqbalka u durugsan


Caawa waxaan bedalay sawirkii ii saarnaa shaashada laptop-ka muddo tobon bilood ah, sawirkaas oo aan qoraalo shaqsiyeed ku qortay ahna mid aan siyaabo kala duwan dhiirrigalin uga qaatay sidaan qoraal hore ku sharaxay. Hadaba ma aysan ahayn mid ii fudud in aan hal mar uun iska bedelo oon mid kale saarto waayo qoraaladu tobankii bilood ee tegay ayay qayb wayn ka ahaayeen noloshayda. Waa sawir erayada ku xusan aysan ahayn kuwo indhaygu kaliya aqoonsanayaan ee ay quluubtaydu dareemayso erayada ku dul xusan ee mararkii kala duwana aan si uun ahaa kor ii qaaday. Ma qoraaladaan kaliya ayaa igu adag in aan bedalo mise?


Waxaan xasuustay in xitaa yaraantaydii aanan jeclaan jirin inaan iska tuuro ama bedalo shay i anfacay muddo dheer. Si gaar ah waxaan u xasuustaa qaado aad u yar oo ku leh dhexda sadex dhibcood oo baluug ah oo uu aabahay ii keenay anigoo qiyaas ahaa 6-7 sano jir ah. Qaadaas oo aad aan ugu faraxay maalintii Aabo ii keenay, qaadadaydaas sadex dhibcoolayda ah ayaan qaadooyinka kale ee guriga yaalo ka jeclaa ayada . Waxaan isticmaali jiray qaadadaas in muddo ah. Waxaan maqli jiray “Hadii guule ku daayo gu’gaa ku dayn”, waxaan muddo kadib ka waynaaday qaadadii oo markii danbe laygu amray in aan wax ka iticmaalo qaadooyinka kale ee guriga yaala. Qaadadana aan iska tuuro maadama ay tahay mid ilmaha luugu talo galay. Aadbay iila adkayd in aan qaadadaydii sadex dhibcoolayda ahayd tuuro. Hadaba waxaan jees jeestaba waan qaatay warkii hooyo iyo aabe hase ahaatee maanan tuurin qaadadaydii ee waan xaraystay. Qaadadii muddo dheer ayaan sidan jiray ilaa markii danbe layga tuuray markaan ka guuraynay gurigaan ku barbaaray. Waxaan xasuustaa markaan tebay inaan aad u xanaaqay oon ku iri hooyo “ qaado aad leedahay ood jeceshahay ayaysan ahayn sababtaas ayaad u tuurtay ee ma tuurteen hadii kale”. Markana ay hooyana i canaanatay oo i tiri “Weligaa ayaad waxaad ayaan haysatidba tiraa yaa loo dhawaan ee iska tuur qashinka aan ku anfacayn”. Maanta oon qof wayn ahay waan fahmay hooyo oraahdeedii oo waxaan bartay wax yaabaha aanan u baahnayn ay tahay in la tuuro ama dad la siiso hadii kale in aad halkaagii aad shalay joogtay aadan ka tagagayn xitaa haduu gu’gu ku riixo. Waxaan sidoo kale bartay in markasta oon shay cusub aan helo uu isla shaygii shalay igu xusbaa muddo kadib asna micno ii yeelanayo.


Waxaan qoraalkayga ku gabagabaynayaa hadii ay ku soo wajahdo xaalad aad u baahantahay in aad bedasho ama tuurto shay agtaada qaali ka ah sida qaadadaydii iyo sawirkaygii shaashada laptop-ka, xasuusnoow shayga kugu cusub maanta in uu asna berri noqon doono mid aad taqaan. Ogoowna in waayidii qaadadaydu aysan xambaarsanayn kaliya murug ee ay farxadna xambaarsaneed maadama ay isticmaal la’aanteedo ka dhigneed in aan koray oo waynaaday. Marka waxaa cad in shay kasta oo cusub uu inoo yahay aqbaar na leh “halkaad shalay taagneed meel ka durugsan ayaad maanta taagan tahay ee faraxad igu qaabil”.

bottom of page