top of page

Clubhouse ?


Waxaan idunku salaamya salaanta islaamka “Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatu”, isku soo laabad wanaagsan. Waxaan rajaynayaa in aad ladantahay si wacana fasaxa u soo nasatay. Aniggu aadbaan u nastay fasaxii xagaaga Alxamdullilah. Sidoo kale waxaan rajaynaa inaad wax yaabo badan faaidaysatay intii lugu guda jiray fasaxii xagaaga.


Aniggu fasaxii xagaaga waxaan xooga saaray inaan hor mariyo ku hadalka luuqada Ingriiska oo ka mid ahayd hadafyadaydii sannadkan an qortay. Alxamdullilah waxaan ku guulaystay in aan helo fursado badan oo luuqada ku hadalkeeda ii sahlaya in aan ku tabo barto. Hadaba Fursadahaas joogtada ah waxaan ka helay App cusub oo la magac baxay “Clubhouse”. Clubhouse waa app maqal uun ku salaysan, kaas oo u suurto galinaya dad waynaha aduunka kunool meel kasta ay joogaan in ay hal meel oo bar kulan ah helaan. Halkaas waxaad ka helaysaa qolal badan oo mawduucyo kala duwan looga hadlayo. Hadaba waxaaan kula wadaagayaa 5 qol oo ka mid ah app-kaas kuwaas oon siyaabo badan aniggu uga faaiday xilligaygii fasaxa xagaaga. Qaasatan dhanka luuqada ingriiska. Waa sadex qol oo luuqada ingriiska ah iyo labo qol oo soomali ah.


Intaanan kula wadaagin qolalka Afeef (Disclaimer), ogoow in App-kasta leeyahay dhan wanagsan iyo dhan xunba, Clubhous na kama marna arinkaas taas oo ka dhigan dhinacaad rabtaaad ka geli kartaa balse iska jir dhankaad ka abaarayso si aad faaido togan u hesho.

Qolka 1-aad. “English Language club”, qolkaan waxaa ku xiran 236 kun oo xubnood kuwaas oo ka faaidaysta ku taba barashada luuqada Ingriiska. Hadaba waxaan qolkaan ku jeclahay ayaa ah in uu yahay 24/7 saacadood ood xilligaad doonto aad geli kartid si aad fursad hadal u hesho, waloow uu saf dheer yahay.


Qolka 2-aad “Word of English”, qolkaan oo asna aad ka heli kartid fursado fara badan ood ku hadasho maadama uusan dadka ku xiran aysan aad u fara badnayn. Dadka oo weli ku yar qolka ayaa kuu saamaxaysa inaad wada sheekaysi la yeelato madaxda qolka oo wadamo kala duwan ka soo jeeda. Waxaa intaa u dheer in ay mawduucyo xiiso leh fursad kuu siinayaaan inaad fikrikaaga ka dhiibato.


Qolka 3-aad “Internet Connect room –use your words in English(Soft approach)“, qolkan asna waa qol loo jiheeyay ku taba barashada luuqada ingriiska. Waxaan ku jeclahay asan in uu aad uga duwanyahay qolka kale waayo hab dabacsan ayaa su’aalo qoraal ah laysku waydiinayaa kadibna qof ba qofka ku xiga ayay si dabacsan u sii waydiinaysaa. Intaa waxaa u dheer qolkan in jawaab sax ama qalad ah ayasan jirin oo qofkasta siduu rabo uu su’aasha uga jawaabi karo ayadoo lagu celinayn su’aal kale. Hadaba qolkaan wuxuu kaloo leeyahay mid barbar socda oo luuqada faransiiska ah marka hadaad xiisaynayso ha moogaan ayana.


Qolka 4-aad “Reading by myself”, qolkaan waa qol soomali ah, laguna soo bandhigo falaqayn buug, mawduucyo iyo weliba fikrado xajiib ah. Qolkaan waxaad fursad u helaysaa inaad fikrikaaga la wadaagto dhamaan dhagaystayaasha iyo soo jeediyaasha soomaliyeed ee markaa ku sugan qolka adigoo ku hadlaya soomali ama ingriis. Marka hadaad danaynayo buug soomali iyo ingriis ah falaqayn tooda iyo weliba aqriskooda, ha moogaan qolkan.


Qolka 5-aad oo ah kan ugu danbeeya een kula wadaagi doono ayaa ah mid aad iyo aad u xiiso badan. Qolkan magaciisu waa “Somali love histories”, qolkaan waxaad ugu imaanaysaa qisooyin/sheekooyin jacayl ah oo ay dadwaynaha habeenka jimha iyo sabtida banalka saaran kula wadaagayaan. Qisooyinkaas oo jab, murug iyo farxad ba ku dhamaan karo, marmarna weli ayba kuwo socda oo taxana ah yihiin KKKKK. Weliba qolku wuxuu leeyahay daadihiye cajiib ah oo Samatar la yiraahdo kaas oo qofka qisada wadaagaya si xawaaji leh uga tabiya warka.


Ugu danbayntii waxaan qoraalkayga ku soo gunaandayaa Aaan markasta aqoon korarsano haba yaraatee iyo oraahdii caanka ahayd ee Abwaan Gaariye oo oranaysay “ Hadaan guuga kuu kordhaa GABOW MOOYEE ku tarin garaad iyo waayo arag ileen wax ma dhaantid geed”.


FG: Layguma siin wax lacag ah si aan App-kan iyo qolalkan wax uga qoro oo kadibna idinkula wadaago.

bottom of page