top of page

Bismilaah!




Waa habeen kii labaad ee sannadkan cusub 2022-da, waqtigu waa mid soconaya marwalba xitaa hadii aan anagu ka harno xisaabintiisa. Dalxiis gaaban oo ku qaadanayo Stockholm ayaa waxaan dareemay in aanan la´jaan qaadkii sannadka ka gaabinayo maadama aan is leeyhay isku day in aad samayso wax ka duwan wax yaabaha aad samayn jirtay markaad jaamacada iyo shaqada ku jirtay. Calashaan inaan iska dheereeyo laptopka si aan fasax u dareemo ( Inkastoo laptop kii aan horay usoo qaatay oo hada aan asaga wax ku qorayo kkkk). Balse waxaa lagama maarmaan ah in aan la socono oo la jaanqaadno sannadka intuu bilaawga yahay. Sidaa darteed waxaan caawa halkaan ku gula wadaagayaa 1 talaabo oon isbuucayada ugu horeeya sannadka aan ku dhaqaaqo si uu qorshahayga sannadka lugta u qaado. Talaabadaan oo qaybteeda koowaad aan shalay iyo maanta ku hawlanaa.


Waxaan jeclahay in aan sannadka ku bilaabo (talaabo) dib u milicsiga sannadkii tagay anigoo ka bilaabaya inaan qoro waxa loo yaqaan “Annual Review”. Annual Review-ga wuxuu iga caawiyaa inaan ka war hayo sannadkaygii siduu ahaay iyo siduu ku baxay. Su’alo boqolaal gaaraya ayaan ka jawaabaa oo sadex qaybood oo waawayn u kala qaybsama. Sadexda qaybood ayaa kala ah..


1) Qaybta ugu horaysa ayaa ah mid aan si buuxda ugu kuur galo sannadkii tegay (milicsi), anigoo ka jawaabaya su’aalo ku aadan wax yaabaha ii qabsoomay sida guulaha aan gaaray, caqabadaha iga horyimid, iyo caqabadaas kuwa ka mid ah ee aan ka gudbay sannadkii tegay. Qaybtaan waxay igu baraarujisaa in sannadku siduu u adkaaba aan guulo gaaray, guusha ugu wayna ay tahay in uu alle ii suurto galiyay inaan dhamaysto sannadka anigoo caafimaad qabo. Sababtaas darteed ayaan ku bilaabaa su’aalo ileh “ Qor qodobada aad Alle uga mahadnaqayso oo ku aadan dadka, qibradaha iyo guulaha kusoo maray sannadkan? Tusaale gaaba oo ku aadan mid ka mid ah jawaabahaygii 2020 ayaa sida tan u dhacayay: “ qor shay aad ka mahadnaqayso sannadkan? JWB: Waxaan Alle uga mahadnaqayaa in aan sannakan nasiib u yeeshay inaan helo dhalo aan biyaha ku qaato taas oo ii sahashay in aan abuurto dabeecada wanaagsan ee biyo cabida”. Waa su’aalo iska yara fudud balse aanan xasuusan lahayn hadii aanan meel ku qori lahayn ( waana tan hada ii sahashay in aan dib usoo helo mid ka mid jawaabahaygii 2020-ka kkkk).


2) Qaybta labaad, waa halka aan si hufan u qoro qorshooyinka sannadka soo socda anigoo ka bilaabaya qorshooyinka noloshayda qaaska ah. Halkaan mar walba waxaa ku xusan su’aalo fara badan oo ku aadan qorshooyinka waxbarashada, ganacsiga/shaqada iyo waxa aan doonayo sannadka dhamaadkiisa inay ii hirgalaan oon ku guulaysto samayntooda. Qaybtaan labaad waxay kuu sahlaysaa inaad si gaar ah u go’aansato halka aad hiigsanayso iyo waxyaabaha aad doonayso inaad mudnaanta siiso sannadka currtay. Sidoo kale waa halka qayb ee ku saabsan mustaqbalka taas oo micnaheedu yahay in aad haysato xaqiiq kuu sheegaysa sannakan markuu dhamaado waxa kuu qabsamay. Annigu waxaan u arkaa fursad cajiib ah waayo hadii anan haysan meel aan dib ugu laabano oo wax nuugu qornaayeen bilaawgii sannadka ma ogaan karno waxa inoo qabsamay iyo waxa inaga qabyada ah.


3) Qabtaan oo ah qaybta ugu danbaysa sadex da qaybood ee annual review-ga ayaa ah “Ku dhawaaqid” taas ood qoraal ahaan ugu dhawaaqayso dhawr balan iyo axdi ood doonayso inaad ka dhabayso sannadka dhamaadkiisa. Qaybtaan waxaan ugu yeeraa aniga qaybta su’aalaha gaa gaaban waayo su’aalo gaa gaaban oo balan ah ayaad ka jawaabaysaa sida “Maxaad sannakan balan qaadaysaa inaan joojiso? Jwb: Waxaan sannakaan joojin doonaa waqti dhumiska ku aadan iticmaalida social media”. Kadibna sannaka dhamaadkiisa ayaad dib u eegaysaa.


Iniga shaqsiyan majiro dareen ka wanaagsan kan aan dareemo markaan ka jawaabayo su’aalahan fara badan oo ku aadan wixii sannaka dhacay. Su’alahaan dhab ahaantii waxay dib ii dareensiiyaan shucuuro kala duwan oon soo dareemay sannadka intuu socday taas oonan hadii kale aanan dib u dareemi lahayn hadaanan su’aalahaan ka jawaabi lahayn.


Waxaan caawa warqadayda ugu horaysa sannadkan kusoo af-meerayaa dhigo “kayd” (Annual review) sannakan caawa labada maalin uun maraya, kaydkaan wuxuu meel wayn kaaga soo bixi doonaa dhamaadka sannadkan Insha Allah. Intaa waxaan raacinayaa oraah caan ah oo tiraahda “Ma maarayn kartid wax aadan cabbirin” oraahdaan oo micnaha ku duugan uu yahay in cabbiraad la’aan, aadan marnaba garan karin in ay wax kuu wanaagsanaadeen iyo in kale. Cabbiraad dhamaystirana waxaa kuu noqon kara wixii aad maanta meel kusii qoroto.


Halkaan hoose waxan soo raaciyay link ku tusinaysa sida loo sameeyo Annual review iyo weliba kuwo ka mid ah su’aalaha aad sadexda qaybood ku darsan karto. Kani waa Ali Abdaal oo ka mid ah dadka aan u abaal hayo sannad walba maadama aan wax badan ka faa’ido ahna kan igu dhaliyay inaan anigu bilaabo annual revview. Sannad Guul iyo gobonimo leh dhamaan.



FG: oraahda rasmigeeda waatan “you can't manage what you can't measure.”/ Peter Drucker


bottom of page