top of page

Adigu dooro dhankaad rabtid.


Salaan diiran aqriste,

Waxaa dhacaday isbuucan maanta dhamaanaya isniintiisti inaan aroortii u kalahay balan dhaqtar oon kula haa magaalo qiyaas ahaann inoo jirta 30 daqiiqo. Kaligay ayaan ahaa sidaa darteen markaan ka dhaqaaqayay xaafadeena ayaan gaariga ku xirtay telefoonka, kadibna ka daartay xalaqada (episode) podcast-tigan Småstadstänk oo dhex ii marayay . Waxaa aad iigu socday oon dhagta la’raacayay qaybtan xiisaha badan oo ay oo ay Hani iyo Zaynab uga hadlayeen horaanta da’da labaatanka, anigoo dhegna wax ku dhagaysanaya ayaan hadana tankale kula socday shanqarta gaariga iyo barafka da’aya iyo midka dhulka ku xeeran. Waxaan sii socdaba waan tagay meeshan u socday balse sidii caada ahayd waxaan waayay meelan gaariga dhigto (parking lot) waxaan iska daba wareegaba oo waqtigii igu dhacay ugu danbayntii boos ayaan helay. Markaa saas u dhigay gaarigii ayaa orad is qaaday oo u orday halkaa iyo xaruntiii isbitaalka oo xooga ii jirta, waxaa qamaarkayga baluuga ah dhibcaynaya roob iyo baraf qafiif ah oo iswata balse uma joojin ee oradkii ayaan ku galay isbitaalkii. Gabar fadhida qaybta soo dhawaynta (reception) ayaan waydiiyay qaybtaan u socdo dhankaan u aado maadama aan daahsanahay, kadibna hore uga sii socday markay ii sheegtay in ay dabaqada koowaad tahay. Degdeg ayaan wiishka ku raacay kadibna galay qaybtaan u socday, waxaa la’ i waydiiyay kaarkayga aqoonsiga is la’ii diiwaan galiyo oo dhaqtarada loo ogaysiiyo inaan qolka sugida fadhiyo. Xoogaa bay gabadhii kaarka iga qaaday ku foorartay computerka, kadibna i tiri, “Ma hubtaa inay tahay qaybtaan qaybta aad balanta ku leedahay?


Anigoo neeftuuraya hadna xooga layga diday in ayba su’aashaa i waydiinayso anigoo saan ugaa usoo orday KKK ayaan warqadii balanta oon sitay kala soo baxay jeebka, markaana u taagay. Way eegtay kadibna tiri, “Waa berri xilligaad balanta lahayd ee maahan maanta”. Alla jabayeey, uunba ka bixi waayay daqiiqadii ugu horaysay, kadibna ku iri “Dhib majiro oo qayr bay ahyd show inaan imaado” kana soo dhaqaaqay. Intaan sii caga jiidayay oo dhan waxaa igu soo dhacayay in habeenkii axada markaan cishaha u taagnaa aan eegayay Kalandarka fadhiga ii yaal, in aan isla habeenkaa eegay warqada intaanan ku ridin boorsaday iyo weliba in jadwalkayga teleefonka aan si guud isha u mariyay. Marka su’aashu waa “Alla sideebaan ku arkin maalinta balanta sadexdii jeer oo dhan?”


Markaan gaarigaygii dib ugu soo laabtay ayaa waxaan dib u xasuustay markaan u soo socday isbitaalka saakay, in ay iga dhamaatay xalaqadii aan xusay een dhagaysanayay, kadibna uu teleefonku si toos ah isku gudbiyay xalqad kale oo dhex ii maraysay, kadibna waxaan is iri “Ha laalin telefoonka Hodaneey adigoo saaran Highwayga kadibna sidaa ku dhamays tirtaytay xalqadii. Xalqadaan dhagaysanayay oo la yiraahdo Sibling talk oon dhagaystay sannadkii hore balse aanan dhamaysan inkastoon moodayay inaan dhamaystay ayaa aad ayadana ula dhacay. Balse mida cajiibka ah ayaa ahayd in qaybtii danbe oon dhagaystay aad moodaa in uu Alle SWT dib uugu dhigay qaybtaan si aan u dhagaysto subax ay igu haboontahay. Ka hor dhici maayo qaybtaan fariimaha kala duwan ee ay xambaarsanayd dadka luuqada Swediska ku hadla balse aan idinla wadaago intiina aan luuqada Swedish-ka ku hadlin sababta aan u dareemay in uu Alle dib iigu dhigay qaybtaan.


Bishii april ayay ahayd markii ay Hani oo la xariirisa Podcast-ga Småstadstänk Zaynab iyo Fadumo ay waraysi ku casuuntay walaalkeed Guuleed, waraysigaa oo ay ku taabteen mawduucyo daruuri ah. Waraysigi dhexdiisa ayay Hani waydiisay Guuleed, “Hadii aad dooran lahayd mid ka mid ah dabeecadahayga, mideed dooran lahayd iyo sababtaad u dooran lahayd?”. Su’aashan waxay feecnaan alahyd inaan maqlo anigoo awooda in aan joojisto (Pause) dhaqaysiga qaybta si aan anigu u ogaado dabeecada aan jeclaan lahaa inaan yeesho balse dabcan ima sugin qaybtii socotayee waxaa ka jawaabay Guuleed o yiri “Malaha waxaan dooran lahaay in aan si sahlan wax u daayo”. Qofka ay u fududahay in uu si sahlan wax u sii daayo waxaa sidoo kale u fudud in uusan ka caroon, ka xumaan ama ka niyad jabin markii ay sida uu qofku ku talo galay ay wax noqon waayaan. Intaa kadib waxay Hani iyo Guuled isla qaada dhigeen dhawr dhacdo oo labadooduba goob joog ahaayeen sida markii ay Marroco u safreen kadibna subaxdii ay diyaarada raaci lahayaayeen la yiri diyaaradii baaqatay. Halkaa oo ay Hani tiri “Hal maalin oo kale ayaanba fursad u helaynaa Maracco” dhanka kale uu yiri Guuled anigu waan ka xumaaday. Hadaba waxaan qodobkaan u iftiiminayaa in aan anigu shaqsiyan ahay qof ay ku adagtahay si sahlan u siidaynta markay wax si iga noqdaan. Sannadadii ugu danbeeyay ayaan la dagaalamayay hab fikirka ah in aan helo cid aan eedeeyo haba noqoto naftayda xitaaye marka ay sidaan rabay wax ii noqon waayaan. Marka su’aashii Hani ee aad mooday in aniga la rabay in laywaydiiyo iyo jawaabtii Guuled eed ayana aad mooday midaan ku jawaabi lahaay ayaa subaxdii aan lug go’ay i dajisay Alxamdullilah.

_

Halkaa ayaan dib usoo noqday oo 30 daqiiqo oo kale usoo socday magaaladaydii anigoo faraxsan oonan ka xumayn waxaan lugooyo u arkaayay subaxdaa. Labo ayaana yaqiinsaday subaxdii isniinta:


  1. Anagu markasta wax baan qorshaynaynaa balse qorshaha Alle ayaa ka wayn keena kana wanaagsan. Waayo si kasta ood u taxadarto oo sidaysoo kale 3 meel oo kala duwan aad ku qorato waxa aad qabanayso iyo xilliga aad qabanayso haduusan Alle kuu qorin noqon mayso. Intaa waxaa dheer in aan subaxdaa aan cashar wayn ka bartay Podcast-ga aan sii dhagaysanayay iyo dhacdadii igu dhacdayba, taas oon is oran karo amayba ahayd waxa aan u seegay inaan arko balanta in aysan isniin ahayn ee ay talaado ahayd. Marka mar marka qaar waxa aan arkayno kaliya maahan waxa faai’dada leh ee kun wax oo ka wanaagsna ayuu Alle inoo dhex dhigay wixii ina soo wajaha hadaanu nahay kuwo arkaya.



2) In aad adigu xor u tahay in aad doorato in aad dhanka wanagsan wax kasta ka fiiriso, dhankaas oo ku farxad iyo xasilooni galinaya. Ama in aad dhanka aan wanaagsanayn wax kasta ka eegto, taa oo ku tusinaysa waxa aad u aragto in ay jab iyo hoog yihiin kaliya taa oo ku murug iyo shalayto ku galinaysa.


Ugu danbayntii waxaan ku soo gaba gabaynaya qoraalkayga aan la wadaagno fikirkeena iyo weliba waxa aan is leenahay wax bay tarayaan bulshada waayo wax badan ayay u teri kartaa qof maalintaa u baahan sida aniga xalqada Podcast-gan ii anfacday si aan lamalayn karin isniintii. Waana tuu lahaa Ali Abdaal lawadaag dadka waxaad taqaan waayo “wax adiga caadi ama wax yar kula ah ayaa cajiib la noqon kara qof kale”. Waxaana Alle SWT kadib uga mahadnaqayaa kooxda Småstadstänk oo suurto galiyay Podcast-ga iyo Hani iyo Guleed oo ku dhiirtay in ay si hufan uga hadlaan qodobkan.


FG: Talaadadii ayaan si nad ah ku tagay balantaydii dhaqtarka :)

bottom of page